2018 waxaa lasoo bandhigay sawiro muran xoogan dhaliyeen oo laga qaaday Mahesh Bhatt iyo Rhea Chakraborty oo ah gabadha uu guursan lahaa jilaaga geeriyooday Sushant Singh Rajput waxay ahaayen sawiro dareen wato oo naxariis ay ka muuqato aad ayaana loo buun buuniyay xiligaas waana labo sano kahor.

2-sano kadih saxaafada iyo dadkale ayaa dib usoo celiyee sheekadan ayagoo kuxireen geerida Sushant haderna shakiga jiraa waxuu yahay in Rhea iyo Mahesh ka dambeyaan Sushant geeridiisa mana la hubo waa la sugaya wali cadeyn dhameestiran sikaste ahaataba Mahesh iyo Rhea dood ayaa dhexmartay labo sano kahor.

Rhea markee aragtay xiligaas sawiradan hadal heynta dhaliyay iyo sida la isugu xantay labadooda inuu xiriir qarsoon ka dhaxeeyay ayee tiri”adeerow sheekada wey xumaate sawiradan aan masaxno oo aan tirtirno” ileen sawirada iyada baraha bulshada xiligaa soo dhigtay balse maxay katire waaba mar ay faafeen sawiradee.”

Mahesh ayaa ku jawaabay “maya waxba ha tirin dhaaf hana cabsan aniga garabkaada joogo cidina waxba naga qaadi meeyso” Rhea xiligaas waxay aad ugu dhoweyd qoyskan sababto ah filimkeeda Jalebi ee isla sanadkaa la daawadat waxaa maalgaliyay Mahesh walaalkiis Mukesh waana isla shirkadooda uun.

Intii howsha mashruucaas lagu jiray ayeena isku soo dhowaanshahan sameyeen labadooda kadib wareysi laga qaaday labadooda xili xayeysiinta filimka socota Mahesh waxaa la weydiyay hadal heynta sawirada dhaliyeen waxuuna yiri,”aniga iyo Rhea looma baahna inaan xishoono ama ceeb dareyno ee waxaa ceebeysan inee xishoodaana u baahan kuwa sawiradaas faafiyeen aniga iyo Rhea xiriirka naga dhaxeyo waa lawada yaqaana balse dadba si kale u fasireen arinka.”

Rhea ayaa baraha bulshada ku ammaani jirtay Mahesh xiliyadaas intee sawiro dareen qiiro ama naxariis wato soo raaciso hadaladeeda waxaa kamid ahaa “jaceylka xad-dhaafka aan ka helay mudane marnaba ma ilaawi doono” hadaladaas micnahooda siyaabo kala gedisan ayaa loo fasiray sikaste ahaataba Mahesh iyo Rhea ilaa hada waa la isku xanta arinkoodana weli dhinac gaar ah uma cado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here