Richa Chada oo kamid ah atiriishooyinkii Bollywoodka soo galeen qeybihii hore qarnigaan ayaa ka dhawaajisay inee shirkadaan kala kulantay dhib badan markee shaqo kasoo doonatay.

Filimsameyaal badan ahaa xujo kaga dhigeen inee la seexato hal habeen si ah shaqo oga siiyaan filimkooda inkastoo markii hore ay ka diiday hadana waxay si cad u sheegtay ine ka ogolaatay markii dambe ayna la qabsatay howlahaas maantana ay ka qoomameyneyso.

Waxay tiri iyadoo ka hadleysa arinkaa,”sanadkii hore markii Me Too haween badan kaga hadleen dhibkooda aniga iima suurto galin inaan ka hadlo balse hada wax walbo waan shaacinaa Bollywood waxaa kujiraan Raag saqajaanyaal ah oo dumarka sharafkooda dhulka la galaan.”

“Markaa ku cusbaa shirkadaan luuqada dadban ma fahmi jirin Filimsameye ayaa xili habeen ah ku balaminaayo si uu sheeko filim kuugu sharaxo markii aan xafiiskiisa imaaday mid kamid ah Filimsameyaasha la shaqeyay waxuu igu dhahay waan soo casheyneyna Hotel hebel aan aadena ana hadaan soo casheyay ayaan dhahay balse wuu igu adkeyay ana waann raacay anoo cashadii la yaqiinay u maleya.”

“Qolka jiifka ee hotelka ayuu i geeyey halkaas ayeena ka dhaceen wixii oa dhici lahaa anigoo la ikala dooransiiyay inaa habeenka la seexdo isaga si filimkiisa aan shaqo kaga helo ama wadads ku dhaqaaqo duruuf i heesatay aawged waan ka ogolaaday.”

“Maanta waan ka qoomameynayaa ficil walba oo xun aan horey u sameeyay waxaana ku waayey filimo waaweyn oo dad sharaf leh iisoo bandhigi lahaayen gabar walba oo shirkadaan kucusub caqliga ayaa laga xadaa waxaase nasiib badan gabadha ehelkeeda shirkada kaga horeyeen midaas cidna lama hadleyso waa madaxda meesha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here