Rikoor cusub ayay dhigtay Tuba xili shaaca laga qaaday mushaarka waalida ah ee ay halkii xalqo ku qaadan doonto taxanaha gabadhii safiirka.

0
1510

Inaba caadi ma ahan Tuuba Buyukustun kadib markii ay noqotay atariishada ugu mushaarka badan Turkiga ayadoona booska kala wareegtay Neslihan Atagul.

Tuba Buyukustun oo kusoo biirtay taxanaha gabadhii safiirka ayaana la sheegay iney halkii xalqo mushaar ahaan ku qaadan doonto 200,000 oo liiro lacagta Turkiga ah waxayna lacagtaas u dhigantaa 28,000 oo Dollar.

Tuba ayaana waxay sidaas ku dhaaftay mushaarkii ay qaadan jirtay Neslihan Atagul oo ahaa 140,000 oo liiro, haatana waxay noqotay atariishada ugu mushaarka badan.

Burak Ozcivit hogaamiyaha taxanaha Kurulus Osman ayaa dhanka ragga ah atooraha ugu mushaarka badan asigoona taxana Kurulus Osman sameyntiisa halkii xalqo ku qaato 350,000 oo liiro.

Tuba oo in mudo aanan taxanayaasha kasoo muuqan ayaa lagu wadaa xalqada caawo ee taxanaha gabadhii safiirka iney kasoo muuqato isla markaana wixii haatan ka dambeeyo taxanaha hogaamiso kadib markii Neslihan sababo caafimaad uga baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here