Filimka WAR oo ay hogaaminayaan labada jilaa ee Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff ayaa maalintii shalay ah waxaa gudaha hindiya laga saaray 3,800 oo tiyaatar sida BOI sheegtay waana tiyaataro yar markii loo fiiriyo filimada iskoorka dhigeen maalintooda koowaad ee TOH iyo PRDP.

si kastaba ha ahaatee War ayaa keenay lacago dhan 51.50 Crore sida ay xaqiijisay shabakada BOI ka dib canshuurta

waana rikoor taariikhi ah isagoo ka faa’ideystay maalinta dhalashada Gandhi waxaana u noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay maalinta kowaad

waxaana uu dhaafay rikoorkii filimka Thug of Hindustan kaaso maalintiisa kowaad keenay 50 isagoona haystay kaalinta kowaad aflaamta lacagaha ugu badan soo xareeyeen maalintiisa kowaad

filimkan waxaa uu wacdaro xoogan ka dhigay magaalooyinka Delhi / UP iyo East Punjab isagoo ka keenay lacago dhan 11 Crore kaaso hore filim hindia ah halkaas ka keenin lacago intaas la eg halka dhanka Telegu u ka keenay 1 Crore

iyadoo filimkii lacagaha ugu badnaa kasoo xareeyay magaalooyinkaas uu keenay lacago aan ka badnayn 10 Crore waxaa sidoo kale filimkan uu wacdaro xoogan ka dhigay magaalooyinka hareeraha ah sida Gujarat iyo Saurashtra kuwaaso lacago xoogan ka keenay

waxaan meesha laga saari karin tiyaatarada magaalooyinka kala ah UP. Bihar, Madhya Pradesh and Rajasthan kuwaaso xitaa daawayaasha la arkay iyagoo seexdayn banaanka tiyaatarka si aan subaxii looga soo hormarin

waxaana dadka ciil ka haayo inaysan ku filnayn tiyaatarada loo qorsheeyay filimkan kaaso dhan 3850 tiyaatar hadda waxaa la qorsheenaya in loo badiyo 5 crore kalena la geliyo filimkamln kaaso lagu badinaayo cajaladaha iyo tiyaatarada maadaama dadkii ay si waali u daawanayaan filimkan waxaana laga dhigi doona 4700 ama  4800 tiyaatar

filimkan waxaa si waali ah looga daawanaaya tiyaatarada Single Screen maadaama filimkan u yahay mid Action ah sidoo Hrithik iyo Tiger halkaas ay ku leeyihiin taageero fara badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here