Adduunkan waxaa la arkeynin malahan dad ayaaba iska jira oo cadowgaada ah misane jecel dhimashadaada kuwaaso aan kuu ogoleyn inaad sii noolaato maantana Ajay Devgn ayaa loo soo dhigtay mana ahan markii ugu horeysay sidan kudhacdo jilaagan.

Isticmaale Twitter (user) ayaa bartiisa Twitter-ka hadal laga naxay soo dhigay saacado kahor taaso uu kusheegay geerida jilaaga caanka ah Ajay Devgn hadal uusoo qoray ayaana dad badan run u maleyeen magaciisa af-hindi iskudhexjiro ayuu qornaa oo dad badan ma aqoonsanin.

Waxuu yiri sida tan,”RIP Ajay Devgn markii hore Irrfan Khan ayaa naga geeriyooday markii xigtayna Rishi Kapoor ayuu ahaa maantana waxaan weynay Ajay Devgn musiibo ayaa inoo sugnaatay (hadaa reer hindiya nahay).”

Ninkaan hadalkiisa dadka labo mid ay u qaateen kow inuu kamid yahay mucaaradka ugu weyn Ajay Devgn noloshiisa leeyahay ama inuu yahay qof u hiilinaayo Irrfan Khan-kii geeriyooday sababto ah Ajay hadalkii tacsida ee Rishi uu ka sheegay dadba dhaliilsanaa.

Ma ahan markii ugu horeysay dhimashada Ajay Devgn la baahiyo tiro labo jeer ah ayee horey udhacday warar been abuur ah oo Ajay laga soo gudbiyay sidan oo kale balse xaqiiqada ma qarsoonto warbaahinada ugu weyn adduunka ee arimaha Bollywoodka ka hadlaan ahaa deg deg usoo qori lahaayen hader run tahay.

Waxaan idiin xaqiijineynaa in xaalada Ajay Devgn nabad tahay wax dhib ahna kudhicin gurigiisa ayuu joogaa oo Coronavirus ayuu ka xarooday maadama India oodhan bandhow kajiro waxaana la filaa bishaan bartankeeda in India xayiraada laga qaadi doono.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here