Bollywood-ka waxaa ka baxay halyee weyn madaama Rishi Kapoor uu geeriyooday asigoo 67-jir ah kadib markii xanuunka kansarka uu haayay labadii sano ugu dambeesay. Haddaba Rishi sanadkii hore gaar ahaan bishii September ayuu gudaha kusoo laabtay kadib markii mudo sanad ka badan Mareekanka lagu soo daaweenayay.

Rishi Kapoor dhamaadkii sanadkii hore gaar ahaan bishii December wuxuu duubis ku bilaabay filimka lagu magacaabo Sharmaji Namkeen waxaana la jileesay atirishada halyeega ah Juhi Chawla oo ay Rishi guulo wacan soo wada qeebsadeen 90-aad sidoo kalena aflaan caan ah isla sameeyeen.

Filimka Sharmaji Namkeen intiisa badan waa la duubay waxaana ka harsan jadwal kooban oo ilaa 5-maalmood ah oo Rishi Kapoor qayb ka noqon balse marba haddii uu geeriyooday halyeegan ma dhameestiri filimkiisa laakiin kooxda iska leh waxay balan qaadeen in mashruucan la daawan doono.

Filimka Sharmaji Namkeen waxaa maal galisay shirkada Excel Entertainment ee Ritesh Sidhwani iyo Farhan Akhtar madax u yihiin waxayna labadan balan qaadeen in filimkan sanadkan gudihiisa masraxa la saari doono sidoo kalena uu noqon doono Rishi Kapoor filimkiisii ugu dambeeyay ee masraxa loo saaro.

Filimkan waxaa Director ka ah Hitesh Bhatia oo markii ugu horeesay filim agaasimayo isagana wuxuu sheegay jadwalkii 5-maalmood mashruucan ka harsanaa laga maarmi doono ama si kale loo farsameyn doono balse ay qasab tahay markii xaalada Hindiya caadi kusoo laabato in filimkan masraxa la saaro filimkan qaybihiisa dambe si Rishi Kapoor loogu xasuusto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here