Sara Ali Khan waxayba noqotay mid Bollywoodka oo dhan hadal hayaan dhacdo walbo waa lagu ammaanayaa xidigtaa hader soo caan baxeysa misane ay waalidiin u yihiin Saif Ali Khan iyo Amrita Singh.

Halyeeyg Bollywoodka Rishi Kapoor ayaa ammaan kala dul dhacau gabadhaan xili Isbuucyo kahor ay kasoo noqoneysay Lucknow misane ay soo caga dhigatay Airport-ga waxayna sameeysay wax aysan sameeynin atiriishooyiinka kale xitaa atoorayaashaa.

Waxaa la arkay Sara oo boorsooyinkeeda iyo alaabteeda gaariga lugaha leh ku wadata cid ilaalisana aysan la jirin kaligeed ayee kasoo baxday Airport-ga waxuuna Rishi layaabay gabadhaan yar geesinimada iyo kartida ay muujisay waxuuna baraha bulshada soo dhigay qoraalkan. “Layaab ayaad leedahay Sara Ali Khan waxaad tusaale u noqotaya guud ahaan jilayaasha Bollywoodka karti iyo geesinimo ayaaf muujisay hadaan nahay Bollywood inta badan boorsooyinka iyo alaabta kale dad ayaan u xilsaarnaa anagana ookiyaalo madoe ayaan xiranaa dhinacyadeenana waardiyo ayaan dhignaa markaa Airport-ga joogno.”

“Balse adiga intaasba ma aadan muujin kaliga ayaa alaabtada wadatid waa cajiib run ahaantii waxaa tahay gabar yar misane kalsooni iyo karti muujineysa habka cusub aad u bilaawday atiriishooyinka waan la dhacay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here