Rishi Kapoor Oo Sanjay Dutt Canaananaayo”Jooji Fasahaadka Aad Wiilkeyga Fasahaadineyso Hana Ka Dhigin Sidaado Kale”

Ranbir Kapoor waxuu ku guda jiraa xayeysiin usameenta filmkiisa Sanju ee la daawaan doono 29 June 2018 waxaanaa kula weheliyaan xidigo badan oo mid walba door muhiim ah ku leeyahay mashruucan.

Intii uu ku guda jiray xayeysiin usameenta filmkiisa Ranbir waxuu bixiyay wareysiyo xiiso leh isago waxyaabo badan shaaca ka qaaday mid kamid ah wareysiyadiisa waxuu ku sheegay kulankii kowaad ee uu la qaatay Sanjay Dutt.

“Markii ugu horeysay ee an la kulmay mudane Sanjay Dutt waxay ahed xili isaga iyo aabo ay duubayeen filmka Sahibaan (1993) markaaso aan aad u yaraa balse taagero weyn ayaan u ahaan jiray.”

“Waxaan arkay isaga oo duubayo filmka waxuu ahaa mid dheer oo timo dheer lahaa sido kale wada shaqeenta isaga iyo aabo waxay kaliftay inuu qoyska ka akdhowaado marwalbana waan wada kulmi jirnay hadiyado kala duwan ayuu iikeni jiray waxaana kamid ahed mooto qaali inuu iiso iibiyay maadama aan jeclaa wadista mootada.”

“Aabo ma jecleen inaan mooto wado sidaa aawged waan ka qarin jiray maalin maalmaha kamid ah ayuu ogaaday inaan mooto wadaayo misane Sanjay isiiyay wuxuu uwacay Sanjay waxuuna ku canaantay in uusan mardambe mooto ii iibinin hadaladii uu kuyiri Sanjay waxaa kamid ahaa ‘jooji, ha iga fasahaadinin wiilkeyg hana ka dhigin sidaada oo kale fadlan hadiyadahan oo kale ha u iibin mardambe kama heelo mooto iyo wax lamid ah inuu wiilkeyga wado.’”

“Aabo markuu xanaaqo qofna ma xasuusto waxuu hilmamay inuu canaananaayo mid kamid ah Super Star-da hindiya waxaana dhacday in isla daqiiqado kadib uu is bar qabtay misane isku duubay Sanju raali gareen buuxdana raali gareyay waxuuna u tilmaamay inuu iga wal walaayey Sanjay waxaas waxba uma arkin maadama uu iga dhigtay walaalkis iga yar oo kale.”