Riteish Deshmukh waxaa aktar looga haray samaynta dhanka iyo shactirdaa isagoo usoo dhabarka u xirtay si uu weligiisa kaga mid ahaan lahaa bollywoodka iyadoo aktaradii ay isku waqtiga ahaayeen ay badankood ay daadka qaadayn sida vivek oberoi , aftab shivadansi , fardeen khan , zayed khan iyo kuwa kale oo badan

laakiin aktarkan waxa uu weligiisa ku caan baxay samaynta aflaamta loo yaqaano multi-starrers kaaso ah filim ay laysugu keenay aktarowaa wey sida aflaamta kala ah mast , taxanaha housefull , taxanaha dhamaal iyo aflaamo kale oo badan

Ritesh waxa uu fanka bollywoodka ka tirsan yahay 16 sano isagoo ku soo caan baxay fikimka Tujhe Meri Kasam aktarkan oo ka hadlaya inuu dhibaato ku qabo samaynta aflaamta aktarada badan ayaa waxa uu yiri ” dadka qaar waxa ay ku fikirayaan inan awood u lahayn inan filim hogaamiye ka noqdo laakiin midaas waa fikrad qaldan sababtoo ah waxaa loo baahan yahay aktarka marka uu hore inuu ku farax-san yahay samaynta aflaamta noocaas oo kale aniga waan ku farax-sanahay samaynta aflaamta multi-starrers maadaama uu iga saaciday inan muddo badan fanka baaqii ku sii ahaado aflaam walba oo aan kasoo muuqday waxaan ku leeyahay door fiican midaasna waa waxa kaliya aan doonaayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here