Atiriishada caanka noqotay ee Jhanvi Kapoor sanadkaan 2019 shaashada laguma arag waxayna soo caan baxday sanadkii tagay ee 2018 filimkii Dhadak ayeena kusoo caan baxday oo guul wacan u gaaray hadaba xidigtaan ayaa dooneysa 2020 iyo wixii ka dambeya inee shaqadeeda adkeyso.

Jhanvi waxay hada kahor shaaca ka qaaday inee aad u jeceshahay la shaqeynta atooraha koonfur India kasoo jeeda ee Vijay Deverakonda hadaba waxay u muuqata riyadaas in Jhanvi u rumoweyso maadama Filim wada saxiixanayaan.

Wararka ayaa sheegayaan in Jhanvi atiriisho kowaad looga dhigay Vijay Filimkiisa xiga waxayna shaashada kula wadaage jaceyl waana arin farxad galisay taageerayaasha labadan xidig dhanka kale mushaarka jhanvi lagu siinaayo mashruucan waa 3.5 Crore.

Janhvi Kapoor offered a MASSIVE paycheck to star opposite Arjun Reddy star Vijay Deverakonda

Waa mushaar badan marka loo fiiriyo inee 2 sano kaliya atiriisho tahay si wacan ayee ku bilaawan doontaa xidigtaan sanadka xiga ee 2020 balse mashruucan iyo xogtiisaba oo ah Jhanvi kagu soo daray ma ahan war shaaca si rasmi ah looga qaaday balse waa warar hordhac ah oo laga soo xigtay kooxda Filimka.

Dhanka shaqada Jhanvi 2020 waxay la imaan doontaa Kargil Girl iyo Roohi Afza sido kale waxay saxiixatay Dostana 2 iyo Rakht halka Vijay duubis ku bilaawi doonk mashruuc jaceyl ah oo 4-atiriisho uu ka dhaxeyn doono isaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here