Rocking Star sanadii 2018 dabyaaqadeeda wuxuu la yimid filimka All Time Blockbuster-ka noqday KGF Chapter I oo siweyn loogu amaanay doorkiisa hogaaminta iyo awooda uu mashruucan kusoo bandhigay wixii markaas ka dambeeyay wuxuu noqday atoore ay kusoo xoomaan dhamaan shirkadaha kala duwan ee Koonfur Hindiya ka jiraan balse Yash wuu diiday inuu mashaariic kale saxiixdo wuxuuna labadii sano ugu dambeesay waqtigiisa galiyay sameynta filimka KGF Chapter II.

Shabakada Banglore Times ayaa haatan soo daabacday in Yash uu noqday atooraha Koonfur Hindiya kasoo jeedo ee xayeysiimaha ugu badan gacanta ku heesto shirkado badana heshiis la gaaray. Yash ka hor inta uusan sameynin KGF ayuuba ahaa shaqi awood badan oo fanka Kannada sameyn ku leh balse hadda wuxuu noqday atoore Hindiya oo idil ka dhaxeeyo wuxuuna haatan xayeysiimo kala duwan u sameeyaa shirkada adeegyada kala duwan qabtaan sida kuwa Mobiles-ka soo saaraan, kuwa baabuurta, kuwa cabitaanada soo saaraan, dharka iyo agabyo kale ayuu xayeysiin ku sameeyaa.

Yash hadda wuxuu ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta jadwalka filimkiisa KGF Chapter 2 oo la daawan doono horaanta sanadka dambe sidoo kalena dhawaan wuxuu saxiixan doonaa filim weyn oo Director Shankar iska leeyahay laguna daawan doono luqadaha Tamil iyo Kannada qorshahana wuxuu yahay sanadka cusub inuu ka howl galo filimkan.

Warar dheeraad ah ayaa sheegayaan in Yash haatan ku dhawaad 25-shirkad oo kala duwan xayeysiimo u sameeyo madaama uu shacbiyad balaaran Koonfur Hindiya iyo guud ahaan Hindiya ku leeyahay waxaana la sheegay inuu daqli ahaan ka kasbado 40 Crore ($5.40M) xayeysiimaha kala duwan uu sameeyo taasi oo ka dhigeyso atooraha daqliga ugu badan dhanka xayeysiimaha ka kasbado ee Koonfur Hindiya kasoo jeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here