Superstar Yash iyo xaaskiisa Radhika waxay ka mid yihiin jilaayaasha loogu jecel yahay fanka Sandalwood ee xarun u tahay magaalada Banglore waxayna isla sameeyeen mashaariic caan ah oo hirgaleen sidoo kalena marar kala duwana xayeysiino kala duwan ayay isla sameeyeen balse Radhika mudo 4-sano ah shaashadaha laguma arkin madaama ay dhanka guriga u badatay labo caruur ahna Yash u heyso.

Yash iyo Radhika dhawaan waxay wada duubeen muuqaal xayeysiin ah oo siweyn looga helay sidoo kalena xidigtan waxay sheegtay in sanadka nagu soo fool leh 2021 shaashada weyn dib ugu soo laaban doonto ayadoo filim Kannada ah sameyn doonto oo ay hogaamiye ka tahay waxayna u badan tahay seygeeda Yash inuu u maal galin doono.

Yash iyo Radhika mudo 8-sano ah ayuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyay waxayna ugu dambeyntii si rasmi ah isku guursadeen sanadii 2016 horeyna waxay u wada sameeyeen afar filim weliba filimkooda kowaad fanka Sandalwood kuso galeen wuxuu ahaa Moggina Manasu (2008) wixii markaas ka dambeeyay waxay isla sameeyeen filimada hirgaleen Drama (2012), Mr. and Mrs. Ramachar (2014) iyo Santhu Straight Forward (2016).

Dhinaca Yash markaan usoo laabano dhawaan wuxuu soo gaba gabeeyay duubista filmka KGF Chapter 2 oo goos goos kooban laga soo bandhigi doono 8 bisha Janaayo nagu soo fool leh xili uu sanad guuradiisa u dabaal dagi doono waxaana lagu kalsoon yahay filimkan weyn in Yash Hindiya ku qabsan doono qorshahana wuxuu yahay lixda bilood dambe 2021 in la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here