Director Rohit Shetty ayaa baraha bulshada muran xoogan ka abuuray kadibna kabihiisa ayuu ka cararay wuxuuna awoodi waayay inuu taageerayaashiisa iyo dadka kaleba u jawaab celiyo xili uu islahaa filimkaaga Sooryavanashi hadal heyn u abuuray ayuu qalad muuqdo dhexda galay kadibna libinta ka heleen dadka baraha bulshada ku xiran.

Rohit Shetty ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirka dagaalka dhamaadka filimka Sooryavanshi oo ay ka muuqdaan Akshay Kumar, Ajay Devgn iyo Ranveer Singh oo labiska booliska wataan qoryana ku hubeesan halka Katrina iyadana la socoto wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkan “Cidna ma dareemi doono ama ahmiya ma siin doonto sawirka inay Katrina ka muuqato ileen sedex ragg boolis awood badan ayuu qof walbo isha ku hayaa, iska ilaaliya kooxda Sooryavanshi dhawaan ayay masraxa qabsan doonaan 24 Maarso 2020.”

Haddaba qof walbo oo qoraalka Rohit Shetty arkay filim sameeyahan ayuu weerar ku qaaday waxaana qoraalkiisa lagu tilmaamay mid uu dumarka ku liidayo gaar ahaan xaqiraad cad uu ku sameeyay Katrina Kaif oo ah atirishada kowaad filimkan kuna tilmaamay qof fuleey ah oo aysan daawadayaasha daneyn doonin!

Haddaba Katrina Kaif marki ay in mudo ah sheekadan ka aamusneyd ayay ugu dambeyntii barteeda Instagram-ka kaga hadashay waxayna ugu baaqday taageerayaasheeda inay Director Rohit Shetty ka leexdaan sidoo kalena qoraalkiisa si qaldan loo fahmay oo kaliya filimkiisa xayeysiin u sameenayay iyadana si gaar ah loogu gafin xaaladana wey dagtay wixii markaas ka dambeeyay.

Balse Rohit Shetty wuxuu saaxiibinimada baraha bulshada gaar ahaan barta Instagram-ka kagala laabtay Katrina Kaif madaama ay kasoo daahday jawaab celinteeda iyo sidoo kalena si xasarada ay usii soconin balse warbaahinta Hindiya waxay leeyihiin Director Rohit qoraalkiisa waa mid dhaawacay Katrina Kaif haatana xiriirkooda sii xumaan doono marba haddii Unfollow uu Rohit dhahay Katrina!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here