Filimsameye walba waxuu ku riyoodaa inuj Filim u sameeyo xidigaha kala ah Shah Rukh Khan iyo Ajay Devgn oo hal Filim iskugu keeno balse midaas riyo kaliya ayee ku ekaan doontaa uma badnaa waligeed inee dhacdo atoorayaashan oo Filim wada sameeyaan.

Rohit Shetty waxuu kamid yahay Filimsameyaashaas jecel in hal Filim kuwada kulmaan SRK iyo Ajay maadama uu labadoodaba lasoi shaqeeyay Ajay aflaam badan ayuu u sameeyay sida taxanaha Golmaal iyo taxanaha Singham.

Halka SRK uu u sameeyay Chennai Express iyo Dilwale marnaba kuma guuldaresan Filimsameyahan inuu xidigahan u sameeyo Filim madadaalo dhameestiran ah balse wuu ku guul dareestay hal Filim ay hogaamiyaal ka yihiin inuu u sameeyo.

Mar uu ka qeyb galaayey xaflada IFFI 2019 waxuu shaaca ka qaaday wax ay ka siman yihiin xidigahan oo uu isaga ogyahay waxuuna yiri,”horta waan ku guul dareestay inaan hal Filim isugu keeno SRK iyo Ajay marar badan ayaana isku dayay laakiin mid ayaa idiin sheega ay ka siman yihiin labadooda.”

Shah Rukh Khan and Ajay Devgn have THIS similarity between them, reveals Rohit Shetty

“Waligey ma arkin SRK iyo Ajay oo shaqadooda duubista kasoo daahayaan marwalba wey iga soo hormari jireen waxaana u imaan jiray iyagoo oraahdee ku hadli lahaayen sii xifdinayaan oo warqado ugu diyaarsanaayeen waan diiwaan galiyay midaas waxaana soo seddexeeyo Ranver Singh dhab ahaantii waxay ka siman yihiin inee si adag u shaqeyaan sesdexdoodaba.”

“Maanta heerka ay joogaan shaqo adeegooda ayee kusoo gaareen waligey ma arag ayagoo leh maanta waan caajisanahay ama waan daalnay ee duubista beri inooga dhig waxaana arkay toboneeyo atoorayaal ah oo sidaa dhahayaan laakiin marnaba ma arkeysid mana maqleysid SRK, Ajay iyo Ranveer oo sidaa leh.”

“Hadii muuqaal dheer ay duubayaan maku dhahayaan kala bar aan duubeyna maanta ee waaba muuqaalka ay ugu jecel yihiin si farxad leh ayaa kusoo dhameena muuqaalada noocaas ah waa atoorayaal karti badan waxyaabaha kale ay ka siman yihiin waxaa kamid ah.”

“Ma muujiyaan awoododa xidignimo sida guud atoorayaasha waaweyn waa laga heebeystaa awoododa ayeena muujiyaan kooxda Filimka la sameeyneysana cabsi iyo wadada haloo baneeyo ayaa ka dhaceysa meesha laakiin SRK, Ajay iyo Ranveer waa madadaaliyaasha goobta qof walba ayee saaxiib la yihiin isla weyni kuma jirto kuma faanaan xidignimadooda dhamaan shaqalayaasha si iskumid oo kaftan iyo xushmad kujirta ayee ula dhaqmaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here