Sida lawada ogyahay Akshay Kumar ficilada halista ah sameeyntooda wax caadi ah ayee aktiisa ka yihiin waana atooraha kaliya waqtigaan 50 sano sare udhaafay ee u bareera sameeynta ficilada qofka naftiisa halis weyn ku gali karto.

Director Rohit Shetty dhowaan arinka uu shaaca ka qaaday waa mid kaa yaabin doonto xili ay Sooryavanshi xayeysiin u sameynayeen kuna sugnaayen barnaamijka The Kapil Sharma Show ayuuna Rohit arinkaan sheegay.

Rohit waxuu ka dhawaajiyay in Akshay Kumar naftiisa halis galiyay intii la duubaayey muuqaalka Akki diyaarada Helicopter-ka dabada ka qabsanaayo sidaan goos gooskaba ku aragnay waliba Rohit oo ogeyn ayuu arinkaan sameeyay waana qatar weyn oo Kumar naftiisa halis ku gashay.

Sida guud muuqaalada noocaas oo kale ah waxaa la adeegsadaa aaladaha casriga ah sida Computer, VFX iyo wixii lamid ah balse Kumar wax cusub aktiisa kama ahn horuu usoo sameyn jiray kooxda Sooryavanshi ayuuna markaan ka naxsaday.

Waxuu yiri Rohit oo ka sheekenaya dhacdadan,”qorshaha waxuu ahaa in Akshay mootada ku duk istaago kaliya oo uu iska dhigo qof qabsanaayo diyaarada hala dhimana waxaan ugu talo galnay inaan Computer iyo aalado kale isticmaalno si looga dhigo muuqaalkaas in Akki diyaarada qabsaday misane isagoo heesto ay la duushay.”

“Ma aqaan goore wada hadleen isaga iyo duuliyaha si lama filaan ah waxaan aragnay Akshay oo diyaaradii qabsaday misane diyaaradii wey la tagtay dusheena ayuuba marayaa anaga yaab ayaa naga soo haray fajaciso ayeena nagu noqotay xitaa xarig kuma xirneen si caadi ah ayuu diyaarada u qabsaday misane ay la duushay si caadi ah ayeena kusoo celisay dhulkana nabad ayuu kusoo dagay.”

Sheekadan dadkii loo sheegay ii Kapil Sharma kamid ahaa yaab ayaa kasoo haray waxaana xusid mudan in Akki goobta fadhiyay waxaana la weydiiyay xaaskiisa Twinkle Khanna waxay ay fashay markee arinkaan maqashay waxuuna yiri Akshay,”horey ayee u quusatay weyna ku daashay sidee iigula dagaalameysay inaan joojiyo sameeynta muuqaladan oo kale.”

Kumar waxuu kaloo sheegay in aktiisa wax weyn ka ahen inuu muuqaladaas sameeyo waayo ikaa yaraantiisa ayuu u bartay una bareeri jiray waliba waxuu sheegay in diyaarada Helicopter-ka qabsashadeeda uu aad u yaqaano wax weyna la aheej dadkaana ayaga kaliya uu walalka haayo kkkkkk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here