Ronit Roy haatan wuxuu ka mid yahay atoorayaasha Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya lagu tixgaliyo shaqadooda filimadana doorar adag ka qaataan sidoo kalena waxaa intaas u dheer inuu yahay halyee dhanka Tv-yada ama musal salaadka maqaam sare ka gaaray maantana heesto hanti ku filan balse ruug cadaagan waqti aad u adag ayaa hadda ka hor soo maray.

Ronit Roy wuxuu kusoo caan baxay filimkii HIT-ka weyn noqday Jaan Tere Naam balse kadib mudo wuxuu galay xaalad adag asigoo mudo 4-sano ah wax shaqo ah helin wuxuuna yiri “Filimkeygii kowaad Jaan Tere Naam sanadii 1992 ayaa la daawaday wuxuu noqday HIT weyn oo Blockbuster u dhigmo madaama 25-todobaad tiyaatarada uu saarnaa maantadana wuxuu ku qiimo yahay filim 100 Crore keenay. Laakiin lixdii bilood xigtay hal taleefoon wicitaan xitaa kama helin qolyaha filimada soo saaraan ama sameeyaan waana niyad jabay.”

Ronit Roy oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Kadib waxaan ku qasbanaaday inaan qabto shaqooyin aan ii qalmin si aan nolosheyda u bad baadiyo, markii la gaaray 1996 shaqo la’aan ayaa igu dhacday waxaana cunno u doonan jiray guriga hooyadeed anigoo u lugeen jiray waxaan heestay gaari laakiin shidaal kuma shuban karin!”

Ruug cadaa Ronit Roy oo dadka wacyi galinaayo wuxuu yiri “Qof wabo wey soo martaa waqti adag iyo dhaqaale xumo baahsan laakiin lama rabo nolosha in laga quusto aniga hal maalin kuma fikirin inaan is dilo waxaan aaminsanaa in maraxaladii adkeed laga baxaayo dadaalkeyga an sii watay ilaa markii dambe aan kasoo rogaal celiyay oo aan helay mashaariic kala duwan kuwada TV-yada laga daawado iyo kuwa tiyaatarka laga daawado maantana isku filnaansho ayaan gaaray.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here