Tan iyo markii Hindiya xaalad bandow ah gashay bartamihii bishii Maarso jilaayaasha Bollywood-ka daruufo kala duwan ayay la kulmeen haba ugu horeyso shaqooyinkoodii filim jilista oo hakiyad ku yimid iyo guryaha inay ku xayiran yihiin laakiin daruufta qabsatay qof walbo cashar ayuu ka bartay.

Atooraha dhalinta yar Sidharth Malhotra ayaa ku tashtay tan iyo markii bandow la galay madaama uu guriga kaligiis ku sugan yahay wuxuu sameeyaa inuu raashiinka isaga karsado kadib xaalkiisa waa cun, cab, jiifo sidoo kalena jikada saaxiib la noqo waana lagu qasbay yahay in cunta karinta la barto.

Haddaba Sidharth Malhotra wuxuu baraha bulshada soo dhigay muuqaal oo rooti diyaarsanayo kadibna uu dubanaayo wuxuuna leeyahay wiilkan waan isku tashtay ee hala isku tashto daruuftana waa mid isaga ku cusbeed balse hadda wuu la qabsay guri joogoa, cunta karinta iyo jiifka caafimaadka ku dheehan.

Dhinaca shaqada Sidharth Malhotra wuxuu duubis ku waday filimka Shershaah oo Kiara Advani la jileyso lana daawan lahaa 6 July 2020 balse haatan daawashada filimkan dib u dhac ayaa ku imaan doonto madaama weli shaqo u harsan tahay sidoo kalena bilaha July ama August dib loo furi doono tiyaatarada haddii xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here