Xalqadii hore waxay inoo joogtay Rudra oo helay ciwaanka Veer Jai Singh hadaba guriga Vikram ayuu tagaa aabihiis ayuuna la kulmaa waxuuna aabaha dhahaa wiilkeyga 10 sano kahor ayaa iigu dambeysay Rudra markuu goobta isaga soo tago odayga waxuu wacaa wiilkiisa Vikram waxuuna usheega in Rudra u yimid qorsho ayaana loo dagaa Rudra.

Muuqaalka xiga Maya guriga sidee ugu jirtat wey ku daashay waxay Vikram ka codsane inuu magaalada u kaxeeyo waxuuna dhahaa Bar lagu caweeyo ayaa ku geynaa balse inta aysan bixin waxay maqlee codka hooyaded oo qol hoose ku xir xiran waxayna u afduubantahay Vikram, Maya waxay dareeme in guriga haweyney kujirto laakiin Vikram ayaa ka dhaadhicinaayo in qofna joogin.

Rudra waxuu imaana meesha Maya joogto ee Vikram usoo waday si ay ugu madadaasho si lama filaan Maya waxay arkee Joornaal dhulka yaalo oo ay ku sawiran yihiin MJ iyo Rudra sifiicana uma aragto waxay iskudaye inee joornaalka soo qaado mise waxayba si lama filaan ku arkee lugihii Rudra.

Rudra ayaa soo galaayo Baarka lagu caweyo isaga iyo Maya dad ayaa udhaxeyaan ugu dambeyna wuu arkaa in Maya meesha joogto sido kale Maya wey arkee Rudra laakiin ma xusuusna kahor inta aysan isla hadlin halmar ayee meesha mugdi noqone Vikram ayaana Rudra maro wajiga kaga qabanaayo misane meesha kaso wadaayo.

Vikram waxuu garaaca Rudra ilaa Rudra uu ka suuxo kadibna meesha ayuu Maya kasoi wadanaa nasiib xumo Rajiv oo ah yarkii Maya la shaqeyn jiray ayaa arkaayo wuuna soo daba galaa labadooda dhinaca kale Maya hooyaded qolkii wey kasii fakane balse nasiib xumo markee albaabka kasoo baxdo bir shabaq ah ayaa lugta kaga dhageyso waa siriq uu udiyaariyay Vikram dhaawac ayaana lugta kasoi gaaraayo.

Rajiv ayaa guriga kaga daba tagaayo Maya iyo Vikram waxuuna la kulmaa Maya xili Vikram ku mashquulsan yahay Maya hooyaded qolkii ay kasoo baxsatay siduu ugu celin lahaa hadaba Rajiv oo aan ogeyn in Maya xusuusta ka luntay ayaa usheegayo in Rudra si waali ah u baadi goobaayo hadii uu ku qabto adigo Maya ahna wuu ku dili doonaa ayuu dhahaa ileen walaalkiis ayaa ka dishee kadibna Rajiv inuu Maya meesha kasoo kaxeeyo ayuu iskudayaa.

Laakiin Vikran ayaa bir madaxa kaga dhufanaayo wuuna suuxa Rajiv, Maya hadalka Rajiv ayaa maskaxdeeda kusoo noq noqonaayo markee Vikran weydiisana waxba uma sheegato ileeb runta inee ogaato ayuu diidanyahay iyo in xusuusta usoo laabato.

Rudra waa la daaweyna wuuna soo naaxa waxuuna aabihiis usheega inuu Maya arkay ayna nooshahay balse qof uusan arkin ayaa garaacay sida uusheegay dhinaca kale Maya waxay ka shakinee Vikram iyo beentiisa ileen taleefab Line ah oo aan shaqeyneynin ayuu ka dhiga mid shaqeynaayo qof ku hadlaayo telka ayuuna iska dhigaa hadaba xalqada waxay ku dhamaane Maya oo Vikram ka shakisan iyi Vikram oo fahmay in Maya ka shakisay beentiisana ogaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here