Ruug cadaaga iyo siyaasiga caanka ah Paresh Rawal ayaa baraha bulshada si rasmi ah shaaca kaga qaaday in wiilkiisa Aditya Rawal filim jilista kusoo biiray balse tiyaatarka kama soo muuqan doono marka kowaad ee Digital-ka ayuu kasoo muuqday ama aflaanta sida Online-ka ah loo daawado.

Aditya Rawal filimkiisa kowaad waxaa lagu magacaabaa Bamfaad waxaana si Online ah looga daawan doonaa barta ZEE5 waxaana filimkan Director ka ah Ranjan Chandel oo ay u tahay markii ugu horeesay uu filim agaasimo.

Aditya Rawal filimkiisa Bamfaad waxaa kala soo muuqan doonto atirishada Shalini Pandey ee filimkii Telugu ahaa Arjun Reddy ku caan baxday waana filimkeeda ugu horeeyo oo Hindi ama Bollywood ah oo ay sameyso waana filim jaceyl oo dareen qiiro badan xambaarsan sidoo kalena Action ayuu leeyahay filimkan dhawaan hawada ama Internet-ka lagu soo fasixi doono.

Filimka Bamfaad sidoo kale waxaa doorar muhiim ah ku leh Vijay Sharma iyo Jatin Sarna waxaana ZEE5 si Online ahaan looga daawan doonaa 10-ka bishan April ama lix maalmood kadib. Nasiib wacan ayaan leenahay Paresh Rawal wiilkiisa Aditya Rawal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here