Ruug cadaaga Bollywood-ka ku faanaan Gulshan Grover sidoo kalena Hollywood-ka la shaqeeyo ayaa soo rogaal celinaayo madaama sedex filim waa weyn doorar adag ku leeyahay dhawaan la daawan doono waana arin la wada sugaayay in Gulshan soo rogaal celiyo.

Gulshan Grover filimada u diyaarsan waxaa ka mid ah Sooryavanshi, Mumbai Saga iyo Sadak 2 waana sedex filim oo siweyn loo sugaayo labo ka mid ah marhore ayaaba la daawan lahaa haddii dhibaatada Coronavirus-ka dunida qabsan laheyn.

Gulshan Grover wuxuu yiri “Filimka Soorvanshi diyaar ayuu ahaa waana la daawan lahaa dabyaaqadii Maarso balse nasiib daro tiyaatarada la xiray ayaa sameyn ku yeelatay waxaana filimkan si adag u wada xifaaltami doonaa Akshay Kumar anigoo door xumaan ah ku matalaayo.”

Sidoo kale Gulshan wuxuu yiri “Filimka weyn Mumbai Saga isagana waa diyaar 19-ka bishan June ayuu qorshaha ahaa in masraxa la saaro laakiin taasi suurta gal ma ahan madaama weli tiyaatarada xiran yihiin waxaana ku leeyahay Mumbai Saga door muhiim ah aniga, John Abraham, Emraan Hashmi iyo Suniel Shetty waxaan idin xasuusan doonaa Bombay sida ay ahaan jirtay 80-maadkii iyo 90-maadkii tuugada ka jireen iyo kaalintii booliska qaateen.”

Ugu dambeyntii Gulshan Grover wuxuu sheegay in filimka Sadak 2 ah qaybta labaad filimkii Sadak sanadii 1991 HIT-ka weyn noqday duubistiisa wax u harsan yihiin waxaana la jilayaan Sanjay Dutt, Pooja Bhatt, Alia Bhatt iyo Aditya Ror Kapur lana dhameestiri doono shaqadiisa marka xaalada caadi kusoo laabato daawashadiisana dib ugu dhici doonto sanadka dambe 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here