CM Punk waa mid kamid ah raga musaaracada cayaari jiray asigoona sanado kahor isaga tagay shirkada WWE balse dhawaan ayuu dib ugu soo laabtay waliba qeybta barnaamijka todobaadlaha ah ee WWE Backstage.

Hadaba barnaamijkaan ayaa durba noqday mid saameyn leh asigoona daawadayaashiisa 80% sare u kaceen xalqadii isbuucii hore waxaaana wax lal yaabo ah in barnaamijka sare ukacaas waalida ah sameeyo.

Xalqadii ugu dambeysay ee barnaamijkaan taasoo uu kasoo muuqday CM Punk ayaa waxaa toos TVga uga daawatay 180,000 oo qof ayadoo xalqooyinkii ka horeeyay ay celcelis ahaan isbuuc walba daawan jireen 100,000 waxaana ku korortay 80,000 oo qof taasoo sare u kaca ka dhigeyso 80%.

Arinta kale ee xusida mudan ayaa waxay tahay in xalqada todobaadkaan ay soo gashay kaalinta 104 barnaamijyada loogu daawasho badanyahay ayadoona horay ugu dhibaneyd xitaa iney kamid noqoto kaalmaha 150aad.

Sidoo kale kilibyada xalqadaan qeybo kamid ah oo Youtubeka lagaliyay ayaa iyagana malaayiin daawadayaal heleen ayadoo dhamaan arimahaan uu sabab u yahay feeryahanka lawada jecelyahay ee CM Punk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here