Caabuqa Coroma Virus ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaqdhaqaaqa shineemooyinka aduunka kadib markii dadweynihii usoo daawasho tagi lahaayeen naftooda u cabsadeen.

Maadaama cudurkaan neefta iyo taabashada lagu kala qaado dadka iney shineemooyinka soo aadaan iyo goobaha la isugu yimaado wey ka joogsadeen waxayna tani dhabar jab ku tahay filimada tiyaatarka la saaray maadaama ganacsigooda hoos u dhacaayo.

Sidoo kale filimada hindiga maadaama daafaha caalamka laga daawado ayadana hoos ayay u dhacday daawashadiisa waxaana u sabab ah saameynta Corona Virus oo caalamka oo idil kusii faafayo waxaana qasab noqotay in arinkaan xal loo raadiyo

Hadaba waxaa lagu wadaa filimo ay kamid yihiin Sooryavaanshi iyo 83 oo ay kala hogaaminayaan Akshay Kumar iyo Ranveer Singh in dib loo dhigo si ganacsigooda cudurkaan saameyn ugu yeelan.

Wali arinkaan Rasmi ma ahan sidoo kalana wali laguma dhawaaqin xiliga dib loo daawan doono inkastoo wararka qaar sheegayaan in dib loo saari doono 10ka April iyo 29ka May balse waxay u badantahay in filimo badan dib loo dhigi doono.

Dhawaan ayay aheyd markii shirkada Hollwoodka ku dhawaaqaday in filimadooda dib loo dhigi doono ilaa iyo inta laga guuleysanaayo caabuqa Corona virus kaasoo si xowli ah daafaha caalamka ugu faafayay dhawaanahaan ilaa iyo haatana wax daawo ah looma helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here