Ayushmann Khurrana ayaa waqti baashaal ah la qaatay saaxiibtiis shaashada ee Bhumi Pednekar taaso dhowaan ay isla sameyeen Filimka Badla waxay iska duubeen muuqaal ay qoob ka cayaar sameynayaan ama Dance kadibna baraha bulshada ayee soo dhigeen.

Waa lasii share gareeyay durba dad badan ayaana ka falceliyeen xidigahan saaxiibtinimadooda aadka loo jeclaaday laakiin hal nin kuma farxin maanta muuqaalkaas waana Kartik Aryan oo sheegay inuu ka xun yahay kana maseeray waliba hab kaftan ah ayuu u sheegay.

Sidaan wada ognahay Kartik iyo Bhumi waxay ku howl jiraan Filimkooda Pati Patni Aur Woh kaaso ay kujilayaan lamaane wada nool oo is qabaan Kartik doorka Chintu Tyagi ayuu kujilaa halka Bhumi ku jileyso doorka Patni oo xaaska Chintu ah hadaba Kartik ayaa isla muuqaalka Ayushman iyo Bhumi Instagram-kiisa soo dhigay waxuuna soo raacsiiyay qoraalkan.

“Chintu Tyagi (Kartik Aryan) kuma faraxsano oo wuu ka maseerayaa in xaaskiisa Patni (Bhumk Pednekar) waqti baashaal ah la qaadato Ayushmann Khurrana” kadibna inuj la kaftamaayo ayuu usii raaciyay waana qoraal ama Post lagu mashquulay.

Oo waxaa la leeyahay Kartik wuxuu ka maseeray Ayushman iyo Bhumo wadajirkooda..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here