Hrithik Roshan iyo Preity Zinta waa labo kamid ah jilayaasha ugu waaweyn Bollywoodka soo mareen ayadoo labadaan jilaa horay ugu midoobeen filimka guusha weyn gaaray ee Koi… Mil Gaya.

Hrithik iyo Preity ayaa lagu xusuusan doonaa bandhigooda filimka Koi… Mil Gaya kaasoo siweyn loola dhacay ilaa haatana aan ka go’in quluubta jamaahiirta labadaan xidig.

Hadaba todobaadkaan waxay ku beegneyd sanad guuradii 45aad atariishada Preity Zinta taas oo haatan dagan magaalada Los Angeles ee ka tirsan Mareykanka waxaana dhacday in jilaaga Hrithik Roshan uu si lama filaan ah booqasho ugu tago Preity gurigeeda kaliya si uu ugu hambalyeeyo.

Hrithik iyo Preity kaliya kuma midoobin filimka Koi… Mil Gaya sidoo kale waxay wada jileen filimada Mission Kashmir iyo Lakshya tan iyo waqtigaas saaxiibo ayay ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here