Saaxiibo hore oo dib u kulmay Tuba iyo Engin oo laga yaabanyahay iyo qosolka ka baxaayo

0
921

Dadka asxaabta ah markuu waqtiga iyo waayaha kala geeyo mudo kadibna dib u kulmaan waa hubaal in gocasho gali doonaan, sidoo kalana waayihii hore dib u xusuusan doonaan.

Sida xogta aan ku heleyno qaar kamid ah kooxda duubeyso taxana Gabadhii Safiirka oo haatan atariisho koowaad looga dhigay Tuba ayaa sheegayo in Engin iyo saaxiibtiisa hore ee Tuba Buyukustun waqti wacan wada qaataan.

Warka ayaana wuxuu intaas ku darayaa in isfaham aan caadi aheyn ka dhaxeeyo sidoo kalana ay sheekada isugu baxdo ayagoona marwalba la arko qosolkooda joogtada ah.

Tuba iyo Engin ayaana horay u jilay taxanaha Kara Para Ask kaasoo siweyn looga jecelyahay dhulka soomaalida iyo Carabtaba.

Hadaba akhristow makula tahay markale iney nagu madadaalin doonaan taxanahaan cusub oo ay xiiso u yeeli doonaan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here