Labo sababood aawged ayaa dumarka India u dhashteen loogu guuriyaq eeyga, geedka ama xoolaha aan dhaqano sida Arriga hoos kaga bogo labada sababood:

1-Midda kowaad dadka hinduuga ah waxay aaminsan yihiin nolosha insaanka iyo xiddigaha inee isku xiran yihiin sida darteed wadaad wax sheeg-sheega ayee u yeertaan marka gabadha qaan gaarto.

Waxuuna fiirina gabadha xiliga ay dhalatay haduu ku beegan yahay meereyaha loo yaqaan Mars waxuu leeyahay gabadhaan ninka guursadaa wuu nasiib xumana tusaale haduu taajir yahay faqiir ayuu noqona dhaqsi ayuuna geeriyoonaa.

Si dhibkaas ay kaga fogaadaan gabadhii eey ayaa loo guurina ama xoolaha aan anaga dhaqano sida Arriga ama Orgiga oo kale xitaa mararka qaar geed ayaa lagu meherina gabadhii yaab badanaa.

Markaas ayee ducooyinka hinduuga sameynayaan si gabadhii qumaynimada saaran kaga duusho sanamka ayee xoolo badan u qalaan mudo kadib gabadhaas xor ayee noqonee qofkee rabto oo Insaan ah ayeena guursanee waxaana loo yaqaana gabadha noocaas ah ee sidaas u nasiibka xun Manglik.

2-Mida labaad ee sababta in gabadha loo guuriyo Eey, Orgi ama Geed ayaa ah in gabadha waji foolxun leedahay, sida in wajigeeda aad u foolxunyahay oo ilko dhirir badan leedahay markaa waxaa loo guuriyaa xaywaanada mid kamid ah.

Waa dhaqan cajiib badan oo jaahilnimo badan ka muuqata Illaahay muslim naga dhigay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here