Police-ka ayaa baaritaan ku wadeen maalmahan oodhan sababta ka dambeysay inuu is dilo jilaaga caanka ah ee Kushal Punjabi oo dad badan is weydiinayeen hadase warar hordhac ah ayaa la helayaa oo cadeynayaan kiiska atoorahan.

Inkastoo wali baaritaanka socdo hadana dad Police-ka ka akdhowaa ayaa saxaafada la wadaagen in Kushal isku dilay xaaskiisa aawged, waxuu guursaday gabar reer galbeed ah oo 3 sano kahor u dhashay wiil balse mudo sanad kudhowaad wey is dagaalsanaayeen.

Guriga ayee oga guurtay iyadoo wiilkeeda wadatay London ayeena dagtay inkastoo aysan is furin hadana mudo 8 bilood ah dad ajinabi kala ah oo kale ayee ukala noolaayen oo xitaa mararka qaar inee xiriiriso wey diidi jirtay lama oga waxay isku dagaaleen.

Balse Kushal aad ayuu u murugooday habeeno badan ayuuna qamri cabay murugtiisa wuu ka qariyay ehelkiisa iyo saaxibadiisa aadka ugu dhow waxuu ku cidlooday gurigiisa Mumbai ku yaalay waxuu u xiisay wiilkiisa warqad ayuuna arinkaan ku shaaciyay kahor inta uusan isdilin ayuuna qoray warqadaas.

Police-ka ayaa qolkuu isku dilay ka dhex heleen warqadaas dhanka kale Kushal habeenkas uu is dilaayey wuu cabsanaa waxuuna go’aan ku gaaray inuu nafta Is dhaafiyo marba haduusan dunida farxad ku heysan oo uu qoyskiisa yaraa ka fogaadeen.

Markuu is dilay xaaskiisa is deg deg ah ayee India kusoo caga dhigatay iyadoo oohinta ka qubaneysa hubaal ahaan wey is dagaalen weyna u xanaaqsaned balse naceeb uma aysan heynin aad ayeena oga murugootay dilkiisa haatan wali Police-ka baaaritaan ayee kujiraan xili isaga marhore la gubay meydkiisaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here