Ugu dambeyn Arbaaz Khan ayaa afkiisa ka cadeyay sababta rasmiga ah ee uu Director oga noqon waayey taxanaha Dabangg ee uu asiga maalgaliyaha ka yahaya.

Arbaaz ayaa qeybtii labaad ee filimkaan Dabangg 2 Director ka ahaa kaaso sanadkii 2012 Blockbuster weyn noqday wuxuuna xidigaan sheegay xaqiiqada rasmiga ah ee kadambeysa diidmada Director nimo ee filmkan.

Arbaaz oo hadlaaya wuxuu yiri,”waan rabay in taxanahan sameyntiisa aan ku raaxeysto markaa sameynaayo (Director ka noqonaayo) waan sameyay hada kahor waliba qeybtii labaad ee taxanahan.”

“Balse hadeer waxaan u diiday waxay ahed arimo nolosheyda saameyn kuleh aawged waayo masuuliyada filimkaan ma yaro waxaan ahay shaqsiga maalgalinaayo hadana hadaan kudarsado inaa Director ka noqdo markaa waxay u baahantahay juhdi badan iyo waqti badan ana waqtigaas iyo maskaxdaas hader mahaayo.”

“Sababtoo ah maskaxdeyda hadeer maheeso fursad ay wax ku jiheyso aniga ayaaba mashquul iyo problem nolosheyda gaarka ah iigu filan (Wuxuu kahadlayaa Malaika Arora oo ay kala fogaaden qoyskiisana kala tag kuyimid) markaa mashquulkaas dhexda ka galay waxaan iska diiday inaa Director ka noqdo filimkan.”

Markii wax laga weydiyay waxa iska galay nolol gaar ah iyo shaqo Director nimo ama maxaa iskukeenay shaqadaada iyo noloshaada gaarka ah wuxuu yiri xidigaan oo u kujawaabay.

“Waa run marwalba inaa kala saarto ayaa la rabaa shaqadaada iyo noloshada gaarka ah balse marka aan aniga ahaan iska hadlo Director nimadan waxay rabtaa waqti fara badan maskaxda in laga fikiro marka waxaan isku qiimeyay howla gaarka ah ee ihesto iyo howshan adag waxaan goaansaday inaa iska warejiyo Director nimada filimkaan balse xiliya kale haa waan qaban doona balse hada maya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here