Tabu waa mid ka mid ah atariishooyinkii ugu quruxda badnaa 90-kii misane gabadhan ayaa waxaa la sheegaya in wali ay doob tahay.

Tabu waxay filimda kusoo biirtay ayadoo da’deeda aheed 14-jir waxayna kasoo muuqatay filimkii uu hogaamiyaha ka ahaa super star Dev Anand ee ‘Hum Naujwan.’

Intaa wixii ka dambeyay waxay isku badashay atarisho buuxda oo filimda atarisho koowad ka noqota waxayna sameesay filimo koonfur Hindiya ah oo ay atarisho koowad ka tahay iyo kuwo Bollywood-ka.

Balse filimkeedi ugu horeeyay ee Bollywood ahaa kasoo atarisho buuxda ka noqota wuxuu ahaa ‘Pehla Pehla Pyar’ oo ay la dawaday rishi kapoor.

Laakiin Tabu marke noqotay atarisho guusha u saaxibka ah magac iyo maamuusna yeelatay wuxuu ahaa markii ay  la keentay filim Super Star Ajey Devgan filimkii ‘Vijaypath.’

Intaa kadib waxay noqotay atarisho laga dabadhacay oo ilaa haatan mudo 23-sano ka badan awood ku leh Bollywood-ka abaal marino kala duwana ku guuleesatay hadii ay noqon laheyd National Film Awards iyo Filmfare Awards.

Tabu Iyo Xiriiradii ay Soo Martay Ama Sameesay:

Tabu waxay xiriir lasoo wadaagtay Super Starka Koonfur Hindiya ee lagu magacaabo Nagarjujn, sido kale waxay xirir la sameesay filimsameye Sajid Nadiadwala, balse xiriiiradaas ma noqon kuwa heer guur gaara ama miro dhalaan.

Marar badan ayee saxaafada tabu weydiyeen arinta ku aadan sababta ay ilaa hada single utahay ama doob u tahay?

Ugu dambeyn Tabu aya sheegtay sababta ay uguursan weyday waxayna tiri “Wey fiicantahay qofka inuu guursado waliba sababa sax ah aawgood balse ma ahan qofka inuu uguursado cadaaadis bulshadeed uu kala kulmayo bulshada.”

Sido kale waxay tiri “Gabar walbe waxay leedahay riyo riyadaaso ah qofka ay ayada nolosha lawadaagi laheed inee hesho lakin markee runta aragto riyadaas waxba ma ahan anigana waxaan kamid ahay gabdhahaas.”

Dabcan Tabu oo 45-jir ah way aaminsantahy guurka inuu nolosha muhiim u yahay balse ay wali doob u tahay calafkeeda oo sidaa ahaaday.iyo sababa qaas ah oo jiri karo qofka inuusan siiwadi karin arintaas.

Si kaste ahaataba qofwalba isaga ayaa xaq u leh qaabka uu noloshiisa /nolosheeda ku wadeeso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here