Saxaafada India iyo kuwa daafaha caalamka ayaa baaritaan dheer kujireen ilaa maantadan waxayna isku dayayeen inee soo saaraan sababta rasmiga ah ee uu isku dilay jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput maadama wax cadeyn ah uusan ka tagin dhimashadiisa kadib taaso jahawareer iyo suaalo badan dhalisay.

Hadaba saxaafada arimo badan oo ay isku tootoosiyeen markaan cabirno waxay udhowday inee run noqon doonto balse Police-ka ayaa looga fadhiyaa inee arinkaan shaaca ka qaadaan rasmina ka dhigaan beri subax.

Maxay tahay waxay saxaafada soo ogaatay:

Sushant hal todobaad kahor waxuu baraha bulshada soo dhigay dhiggaal (Post) waxuuna kaga murugoonaayey dhimashada hooyadiis oo geeriyootay 18-sano kahor ama 2002 waana qoraalkii udambeyay ee Instagram-kiisa uuso dhigay waxayna ahed xili uu soo xasuustay hooyadiis kana qiiroonaayey inee aktiisa ka maqantahay.

Sushant waxuu jecleystay nolosha waqtigaan uu kujiray inee la qaadato hooyadiis oo farxad iyo murugaba la qeybsato markee hooyadiis dhimaneysayna isaga aad ayuu uyaraa qiyaas ahaan 16-jir oo kale ayuu ahaa.

Hadaba dhiggaalkaas ama qoraalkaas kadib Sushant wuu xanuunsaday waxaa kudhacay Depression oo niyad jab ayuu dhexda ka galay murugada dhimashada hooyadiis ayuu maskaxdiisa ku mashquuliyay todobaadkii udambeyay cidna lama joogin guriga kaligiis ayaa isla hadlay in badan ayuu gocosho iyo xiiso hooyadiis ku aadan ah sameeyay taasi ayaana dhalisay inuu Sushant fal deg deg ah ku dhaqaaqo.

Sushant xalay gelinkii dambe isagoo gurigiisa kaligiis jooga ayuu go’aansaday inuu dunidan isaga tago marba hadii hooyadiis joogin waxuuna niyeestay haduu is dilo inuu hooyadiis la kulmaayo waa sida uu isaga aaminsanaaye kadihna xarig ayuu iska laad-laadiyay wuuna is dal-dalay waxuu ilaaway nolosha cusub ee uu dhexda kaga jiray waxuu ilaaway gabar dhan inee mustaqbal ka laheed waxuu ilaaway qaraabadiisa sida aabihiis iyo walaalihiis.

Waxuu ilaaway shaqadiisa Bollywoodka iyo siduu ugusoo dadaalay ilaa heerkaana soo gaarsiiyay waxuu kaloo ilaaway asaxaabtiisa iyo taageerayaashiisa aadka u jeclaayeen dhamaantoodna waxuu ka doortay hooyadiis uu si xad dhaaf ah u jeclaa sidaas ayuuna ku tagay shumacii Bollywoodka usoo shidmaayey Sushant Singh Rajput.

Sheekadan waxaa isku too toosiyeen saxaafada India waxayna u badan tahay inee rasmi tahay laakiin beri ilaa beri dambe waa la ogaan doonaa xaqiiqada rasmiga ah hadii sheekadan cadaato ama haduu warkale soo baxaba.

Haddii arinkaan run noqdo sidee halis ugu jiraan dadka Sushant dhibkiisa oo kale qabsado.?

Marka hore dadka dadkale ma ahan waa reer hinduga kaliya waayo iyaga u badan calool jileeca iyo suuraha xad-dhaafka ah oo shaashada kujileen ayee nolosha dhabta ah kaga dhabeyaan sido kale reer galbeedka iyo Asian-kan kaleba falalkaan wey ku kacaan balse anaga hadaa Muslim nahay waxaan heysanaa hanuun weyn oo waa nalaga xarimay inaan nafta is dhaafino murugada nolosha nagu qabsadaan aawged marka dhalinta maanta ee reer hindiya ayaa halis ugu jiraan arinkaan walow ilaa maanta wacyi galin weyn ay wadeen kuwooda ugu caansan sida jilayaasha waaweyn.

4 COMMENTS

  1. Anigu lama yaabayo shushant sing Rajput o ma odhanaya wuu caqli xumaa o muxu isku dilay waayo waan dareemi karaa xaalada uu ku sugnaa waa mid aan hore u soo maray markay hooyada Nolosha kugu cidlayso waxaad waayaysaa hal sabab ood ku noolaato markaan hooyaday waayay xasuusteeda iyo murugadeedu igu badotana waxa kaliya isoo bixi jiray waa inaan is dilo lkn alxm ilaahay ayaa mahad leh o Islam iga dhigay niyadayda waxaan ku sasaba in hadii aan u duceeyo ana aan camal waanagzan qabto inuu janadiisa nagu kulminayo hooyaday aad ayaan you xiisay mami allaw u naxariiso

    • Ha murugood walal dadka muslimkii janaday ku kulmaan uducee hooyo macaan markasta una sadaqee ogowna in ayna kaa fogayn ,ee ay janada kaaga sii horayso ,adigu fursad baa haysataa khairkoi dhan samaysee,ducayso qaraabada hooyo xidhiidhi,agoonta wax sii waxas oodhan hooyo way gaadhayaan wayna ku raaxaysanaysaa .hadad cidaad la hadasho ubaahato ilasoo xidhiidh.muxaadarooyinka dhagayso walal inshaa Allah

  2. All cala kuli xaal walhi waa xanuun hooyo laaan aniga hooyade 23ramadanki bishii hore ayaan wayay cidna booskeda mabuxin karto walhi lakin illahay ayeey mahad oo dhan usugnatay asga ayaa islaam naga dhigay
    Waxaan xasuusta markaan xanuun dareemo anoo dhoho alla hooyooy sidii iney xanuun iga qadi karto hooyo mcn illahay haku naxaristo walhi Waxaan daremaa cidlo aad uweyn

  3. Ha murugood walal dadka muslimkii janaday ku kulmaan uducee hooyo macaan markasta una sadaqee ogowna in ayna kaa fogayn ,ee ay janada kaaga sii horayso ,adigu fursad baa haysataa khairkoi dhan samaysee,ducayso qaraabada hooyo xidhiidhi,agoonta wax sii waxas oodhan hooyo way gaadhayaan wayna ku raaxaysanaysaa .hadad cidaad la hadasho ubaahato ilasoo xidhiidh.muxaadarooyinka dhagayso walal inshaa Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here