Sadax filim iyo Hit la’aan Salman Khan oo xaalka ka xunyahay.

3
1279

Salman Khan mashaariicdii uu dhawaan sameeyay markii laga reebo Tiger Zinda Hai kuwa kale oo dhan sida Tubelight, Race 3, Bharat iyo Dabangg 3 oo haatan tiyaatarada saaran intaba guulihii laga filaayay ma aysan gaarin.

Sallu uu looga bartay inuu la yimaado filimo xiiso leh ayaa mudooyinkaan dambe sheekooyinka filimada uu hogaamiyaha kayahay aad loo dhaliilayaa asigoo xidigaan oo haatan ah kan ugu awooda badan gudaha India uu la dhibtoonayo inuu hal filim xitaa Hit ka dhigo.

Filimka Dabangg 3 oo haatan tiyaatarada u saaran markii uu dadaalo wuxuu heystaa jaanis uu ku noqdo Average iskaba daayee inuu Hit noqdee xitaa inuu Average noqonaayo lama hubo waana arin aan loo baahneyn in ay ku dhacdo filim uu hogaamiye kayahay jilaaga ugu awooda badan India.

Salman Khan sanadkaan wuxuu la yimid 2 filim midka koowaad wuxuu ahaa Bharat kaasoo Box Officeka wacdarihii laga filaayay aanan marnaba ka sameynin wuxuuna ahaa filim miisaaniyad weyn xambaarsan isla markaasna mudo laga shaqeynaayay balse guul dhexdexaad ayuu gaaray asigoona Average noqday inkastoo wali aysan xogtiisa BOI soo saarin.

Kadib markii Bharat Hit noqon waayay iskaba dhaafee inuu Blocbuster ama Super Hit noqdee waxaa ayadoo horayna sidaan oo kale 2018dii uu Hit noqon waayay filimka Race3 ayaa haatana waxaa wadadoodii qaaday filimka D3 oo asigana haduu dadaalo Average ah.

Isku soo wada duuboo adiga ahaan maxay kula tahay inuu sabab u yahay hoos u dhaca Mega Star Salman Khan?

3 COMMENTS

  1. Hadiba srk oo aha ninka Hindiya sanoyin badan haystay uu hoos u dhacay Salman Khan muxu yahay oo awalba feesta gaad aha oo kaligis xili faysto saran jiray filim sheko ficn awoda aad shegaysana intasu kuhelay rer khan isaga ugu qaab jilin xun ee waqtiga caawiyay hadana runtisa lo tagay booska akshay Kumar halo baneeyo mida kale filimside si gaar ayad u xayaysisan Salman Khan zakariyan ogayn hadana anteeno oo ah nin qabiir ah aya kudarsomay Salman khan waxad dhahden megastar akshayna superstar waa buuunbuunin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here