Sadaxdaan arimood ayaa ka masuul ah inuu fashilmo filimka fariinta wanaagsan ee Chhapaak sababta koowaad waad la yaabi doontaa.

0
2311

Filimka Chhapaak waxaa hogaamineyso atariishada Deepika Padukone waana filim xambaarsan fariin aad u wanaagsan balse filimkaan waxaa ku bahsaday fashil lama filaan ah asigoona qarka u saran inuu noqdo Flopka koowaad ee sanadkaan.

Hadaba Shabakada Filimside ayaa idiin soo ogaatay sadax arimood oo masuul ka ah fashilka filimkaan halkaan hoose kaga bogo.

1-waxaan wada ogeyn in waayadaanba gudaha India ay ka socotay qalalaaso la xiriirto sharciga Jinsiyada wadankaas oo muslimiinta wadankaas siweyn loogu faquuqay waxaana ka dambeeyo xisbiga talada wadankaas haayo ee BJP waana xisbi Hinduu xagjir ah.

Waxaa dhacday in ardayda jaamacada JNU University jirdil loo geystp waana arday muslimiin ah ayadoo jaamacadaan ay Delhi ku taalo waxayna ardayda jaamacadaan kasoo horjeedaan nadaamka xisbiga Hinduuga sidaas owgeed ayaa jirdilkaas loogu geystay.

Booliska IIndia waa ogyihiin dadka jirdilka kamasuulka ah balse wey iska indho tireen maadaama dadka la jirdilay muslimiin yihiin sidaas owgeed Deepika oo xayaysiin u sameysaneysay filimkeeda Chhapaak ayaa ardaydaas booqashu ugu tagtay ayadoona sidoo kale jaamacada booqatay taasoona sababtay in xisbiga BJP iyo hinduuga wadankaasi ku kacaan ayagoona go’aansaday in aysan gabi ahaanba filimkeeda Chhapaak daawan sidoo kalana waxay weerar kaga soo qaadeen dhanka baraha bulshada.

Arintaan waa caqabada ugu weyn ee filimka Deepika wajahay maadaama mowjad siyaasadeed uu bartanka kaga dhacay xili Deepika ay is laheyd qalalaasahaan uga faa’ideysi sidii Padmaavat hase yeeshee toogtaan wey ku dhiiqatay.

2-Arinta labaad waxay tahay fariinta filimkaan oo loo dhigay si aan wanaagsaneen taasoo daawadaha marnaba xiiso u yeeleynin waxaana dambigaas leh Directed Meghna Gulzar oo filimka fariintiisa ku ciyaaray balse jiliinka Deepika iyo fariinta guud uu filimka xambaarsanyahay waa heer sare.

3-Arinta sadaxaad ayaa ah in filimkaan lala saaray filim weyn misna jilayaal badan la isugu keenay waana filimka Tanhaji oo uu hogaamiye ka yahay Super Star Ajay Devgan kaasoo sheeko ahaan siweyn loo amaanay daawadayaashana ka heleen.

Hadaba arimahaan isbiirsaday waxay sabab u noqdeen in gabi ahaanba filimka Chhapaak uu fashilmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here