Asaxaab badan ayaa naga soo codsadeen inaan taxanaha ka wadno halka hader uu maraayo ee Colors TV maalin walba kasoo daayaan ileen qeybta afka soomaaliga lagu turjumo iyo qeybta hindiga wax badan ayaa udhaxeyo qiyaas ahaan hal bil ayaa udhaxeyso oo afsoomaaliga waxuu marayaa xalqadaha bilawgii November halka December aan kujirno hader.

Hadaba xalqada 10 December waxay ku bilaawaneysaa sida tan:

Bani ama Pragati waxay u careysantahay Raghbir waxaana isku diraayo Sahas oo ujeedkiisa ah inuu helo Pragati oo uu ilaa yaraantiisa jeclaa waxuuna rabaa inuu kala geeyo lamaanahan.

Raghbir waxuu go’aansanaa inuu qolka Pragati aado si uu usoo raali galiyo una fahamsiiyo inuusan wax qalad ah iyada ka galin balse qolka waxaa Bani kula jira Sahas oo Koffe ay kuwada cabayeen, Sahas ayaa kafeegii uu cabaayey shaarkiisa isaaga daadinaayo si kutalo gal ah waxuuna rabaa kala fogaanshaha lamaanahan.

Raghbir qolka markuu soo galo waxuu arkaa Sahas oo xabadkiisa qaawan yahay halkaas ayuuna ka maseera oo waxuu u maleynaa in Sahas iyo Pragati xiriir jismiyeed wadaagen ama gogol dhaaf maskaxda ayaana gubaneysa Raghbir maseer aawgi si walbo oo ay Pragati isugu daydo inee wax u fahamsiiso wuu ka diidaa.

Pragati ayaa la yaabeyso sababta Sahas falkaas u sameeyay waxuuna ku andacoona in Kafeega shaarka kaga daatay kadib waxaa xiga in Raghbir qolkiisa jiifka ah uu gubo dab ayuu qabadsiina sariirtiisa maadama uu maseer san yahay maskaxdiisana wax badan ayaa ka guuxaya waxyaabo horena wuu soo xusuusana.

Duqdii Kunti ahed kaartadeeda ayee ciyaare qof xanuunsan ayee iska dhigee waxayna subaxii markii la gaaro  jiliin been ah u sameyne Raghbir iyadoo qof xanuunsan isaga dhigeyso waxayna ku qabsane sababta uu markale qamri u cabay qolkana u gubay waliba Pragati darteed.

Waxay ku qasbee inuu ballan adag ka qaado oo ah inuusan waligiis dambe Pragati la hadli doonin uuna daba socon doonin wuuna ka qaada ballankaas weyna maqleysa Pragati waxaas oodhan markuu Raghbir kasoo tago ayee sheekadeeda bilaawey iyada iyo jiiska ay dhashay ee Harshit qorshahooda oodhana Bani halkaas ayee ka dhageysanee.

Kunti waxay iskudayee inee dhirbaaxdo Pragati iyadoo ka faaideysaneysa markii Raghbir qolkiisa jiifka dab qabadsiiyay iyo in iyada aawged xaaladaas u galay balse Bani karti ayee muujine waxay u digee Kunti oo ay leedahay gacan aad leedahay mardambe ha isku dayin inaad ii qaado hadii kale ana waan kuu jawaaba ayee leedahay caga jugleyn weyn ayee Kunti kala kulmee dhanka Pragati.

Pragati wey murugeysantahay waxay dooneysaa inee qarxiso sirta Kunti iyo wiilkeeda dhanka kalena waxay ka murugeysantahay xaalada Raghbir iyo dhibka uu iyada darteed u maraayo maadama uu ka maseersan yahay Sahas.

Sahas laadir ayuu noqday hadafkiisana waa inuu Bani gacanta ku dhigo nolosha Raghbirna ka saaro halka Kunti iyo wiilkeeda hantida ujeedkooda yahay dhanka kale Bani waxay ku dhowdahay inee kashifto sirta kunti mana oga cadowgeeda ugu weyn inuu yahay Sahas oo ay saaxiib qaali ah ka dhigatay.

Halkaas ayee kudhamaane xalqada 10-ka December lasoco xalqada 11 December oo saacado kadib lasoo bandhigaayo…

Hoos ka daawo xalqada 10 December muuqaal ahaan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here