Sahil Khan oo ka hadlay sheekada soo cusboonaatay in Ayesha Shroff taleefonkiisa dhageesan jirtay!

Jackie Shroff xaaskiisa sidoo kalena ah Tiger Shroff hooyadiis Ayesha Shroff ayaa booliska dacwad kusoo oogeen kadib markii lagu helay inay dhageesan jirtay taleefoonka wiilka lagu xaman jiray inuu xiriir kala dhaxeen jiray ee Sahil Khan.

Sahil Khan ayaa arinkaan ka aamusi waayay wuxuuna yiri “Arinkaas waa hore ayaan ka gudbay, waan cafiyay Ayesha Shroff wax walbo oo dhacay”

“Ma aqaan ku tala galkeedii xiligaas wuxuu ahaa, laakiin hadda booliska ayaan ka ogaan doonaa sababta ay taleefonadeyda u dhageesan jirtay”

“Qof walbo qaladka uu galay ama nasibka u geesto mar un waa laga gudaa, waa macquul qaladkii ay iga gashay in maanta laga gudi doono, laakiin aniga waan iska cafiyay, hadda booliskiisa ayay u taalaa sharci ahaan waxa ay sameyn doonaan”

Sahil Khan waa wiilkii kusoo caan baxay bilawgii qarnigaan filimada Style (2001) iyo Xcuse Me (2003) sidoo kalena waa murqaani dhanka jirdhiska caan ku ah.

4 Comments

  1. Fadlan sheekadan noo yar faahfaahiya. Ma Tiger hooyadii ayaa xidhiidham kala dhexeeyey wiilkaa wiilkeeda leeg? Fadlan noo yar faahfaahi. Ceeb weynaa. Oo Jakie may kala tageen markaa?

Comments are closed.