Sheeko xiiso badan ayaa Koonfur Hindiya ka jirto oo ah labada la wada jecel yahay Sai Dharam Tej iyo Ravi Teja inay la mashruuc ku midoobi doonaan waxaana filimkan Director ka ah Nakkina Trinandha Rao qorshahana wuxuu yahay marka xaalada caadi kusoo laabato duubistiisa magaalada Hyderabad ka bilaabato.

Balse waxaa xusid mudan in filimkan aan magaca loo bixinin in Ravi Teja hogaamiye ka yahay halka Sai Dharam Tej door muuqaal marti ah muhiim ah ku yeelan doono sidaa darteed labadan atoore caanka ah door dhameestiran kuma wada lahan mashruucan ee sheekada waxaa hormuud u ah Ravi Teja halka Sai muuqaalo kooban filimkan xiisaha badan ku lahaan doono.

Inkastoo Ravi Teja labadiisii filim ugu dambeeyeen ee fariinta mada daalada dhameestiran lahaayeen Amar Akbar Anthony iyo Disco Raja ka guul dareesteen haddana wuxuu aqbalay Director Nakkina Trinandha Rao inuu u sameeyo filim Action iyo mada daalo dhameestiran leh lana duubi doono bilaha July ama August marka xaalada caadi kusoo laabato.

Director Nakkina Trinandha Rao waxaa laga soo xigtay in Sai Dharam Tej filimkan ku yeelan doono 20-daqiiqo muhiim ah sheekada filimkana saameyn ku yeelan doonto waxaana la sheegay in doorkiisa noqon doono muuqaal marti la fadiyay. Sidoo kalena waxaa la isla dhex maraa in filimkan atirisho kowaad looga dhigi doono Tamannaah Bhatia inkastoo weli si rasmi ah arinkan loogu dhawaaqin.

Marka aan usoo laabano labadan atoore aflaanta u diyaarsan Ravi Teja waxaa u diyaarsan filimka Krack oo Shruti Haasan la jileyso lana daawan lahaa 1 May 2020 balse dib u dhac ayaa ku yimid sidoo kale Sai Dharam Tej isagana waxaa u diyaarsan filimka Solo Brathuke So Better oo ay la jileyso Nabha Natesh lana daawan doonaa 1 May 2020 balse wuu baaqday mashruucan madaama tiyaatarada Hindiya weli xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here