Xog walbo iyo iskoor walbo ee la sameeyay waa qasab in lasoo xigto mararka qaar maanta Mr. Perfectionist Aamir Khan waa atooraha sameeyay filimada lacagaha ugu badan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka kasoo xareeyeen mana jirto atoore iskoor sameyn kula tartami karo.

Laakiin 11-sano ka hor Aamir Khan-ka maanta awood badan darajo gaar ah waxaa kaga hormaray Saif Ali Khan-ka maanta ku dhiban inuu filim Hit sameeyo.

Sheekada aan sii bidhaamiyo wey dhacday waana wax diiwaan gashay in Saif Ali Khan uu kaga hormaray Aamir Khan sameynta filim Blockbuster ka noqday suuqyada caalamka.

Saif Ali Khan sanadii 2005 filimkii Salaam Namaste ayaa suuqyada caalamka (Overseas) ka noqday Blockbuster weyn wuxuuna kasoo xareeyay $4.48M wuxuuna noqday filimkii ugu horeeyay ee Saif kaligiis hogaamiye ka yahay kaasi oo Blockbuster daafaha caalamka ka noqdo.

Hadaba Aamir Khan ayaa isagana darajadaan gaaray sanadii 2006 asigoo la yimid filimkii Fanaa oo suuqyada caalamka (Overseas) ka nqoday Blockbuster weyn wuxuuna kasoo xareeyay $7M.

Fanaa wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee Aamir Khan sameeyay kaasi oo Blockbuster daafaha caalamka ka noqday balse darajadaan Saif Ali Khan ayaa kaga hormaray.

Waxaa xusid mudan in Aamir iyo Saif filimadooda Blockbuster ugu horeeyay daafaha caalamka ka noqdeen inay shirkada Yash Raj Films iska leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here