Qof walbo ayaa ka helay filimka sida Online-ka ah loo daawan doono Tandav ee Saif Ali Khan hogaamiye ka yahay wuxuuna ku jilaa siyaasi awood badan oo reer Delhi ah hamigiisana uu yahay sidii uu ku noqon lahaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya wuxuuna adeegsanaa awood walbo oo xumaan iyo samaan isugu jirto.

Goos gooska kooban filimka Tandav laga soo bandhigay waxaa lagu muujiyay Saif awoodiisa iyo xeeladaha kala duwan ee uu adeegsanayo sidoo kalena mashruucan waxaa door adag ku leh atirishada ruug cadaaga ah Dimple Kapadia oo dhanka siyaasada Saif kula xifaaltami doonto.

Filimka Tandav waxaa Director ka ah Ali Abbas Zafar waxaana si Online ahaan barta Amazon Prime Video looga daawan doonaa 15 Jan 2021 waana filim taxane ah ama dhor xalqo ka kooban oo hubaal ahaan daawaayaasha ka heli doonaan gaar ahaan awooda Saif adeegsan doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban ee filimka Tandav laga soo bandhigay ayadoo Saif doonayo inuu mashruucan ku qabsado barta Online-ka ah ama OTT oo beryahan u bateen jilaayaasha Bollywood-ka madaama sanadkan 2020 sida guud tiyaatarada Hindiya badankooda xirnaayeen:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here