Haddii shalay Ajay Devgn oo seef holac ah wato kaarto ah ama muuqaal ah laga soo bandhigay filimka weyn Tanjhaji: The Unsung Warrior markaana Saif Ali Khan oo laadar awood badan filimkan ku jilaayo ayaa kaarto u gaar ah laga soo bandhigay.

Filimka Tanhaji Saif Ali Khan waxaa laga siiyay kaalin weyn asigoo si gaar ah ula xifaaltami doono Ajay Devgn waxayna ku dagaalami doonaan saldanada iyo maamulka gobolka Maharashtra weliba Saif si gaar ah ayuu seeftiisa Ajay ugu ugaarsan doonaa waxaana mashruucan ku jirto Kajol Devgn oo ku jileyso Ajay marwadiisa.

Filimka Tanhaji waxaa Director ka ah Om Raut waxaana goos gooskiisa lasoo bandhigaa 19-ka bishan November ama lix maalmood kadib halka mashruucan weyn tiyaatarada la saari doono 10 Jan 2020 waxaana xusid mudan in Ajay Devgn soo saarayaasha ka mid yahay.

Ajay Devgn ayaa dhawaan sheegay inuu ku faraxsan yahay la shaqeynta saaxiibkiis Saif Ali Khan oo ay markii sedexaad shaashada kasoo wada muuqan doonaan wuxuuna ka dhawaajiyay in Saif filimka Tanhaji udub dhexaad u yahay sidoo kalena awood dheeraad ah la siiyay si adagna doorkiisa isugu diyaariyay shaashadana waxay kusoo bandhigi doonaan xifaaltan midkii ugu weynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here