Home » Wararka Maanta » Saif Ali Khan Kuma Faraxsano Goaanka Gabadhiisa Sara Ali Khan Ku gaartay Inee Ku Galeyso Bollywoodka !!

Saif Ali Khan Kuma Faraxsano Goaanka Gabadhiisa Sara Ali Khan Ku gaartay Inee Ku Galeyso Bollywoodka !!

Saif Ali Khan gabadhiisa Sara Ali Khan ayaa goaan kama dambees ah ku gaartay inee kusoo biirto shirkada Bollywoodka waxayna filim la saxiixatay Abhishek Kapoor filimkiisa Kedarnath kaso uu atoore ka yahay Sushant Sing Rajput.

Balse waxay u muuqata goaankas unuusan aabaha ku faraxsaneena wayo xili uu waresyi dhiibayey ayu shegay in uusan gabi ahaanba gabadhiisa la rabin inee soo gasho fanka.

“Ma qasab baa in Filim jilista oo kaliya shaqo laga dhigto ma shaqo kale ayaa la waayey, bal fiiri waxbee baratay maxaa u diiday inee New York ka shaqeysato oo ay ugu noolato intee filim sameyn laheed.

Aniga filimjilista waa wax xun ama si kale uma takoorayo balse waalid walba wuxu ilmihiisa lajecelyahay ayuunbu la rabaa, sidaa awged marnaba lama jecleen in Sara ay soo gasho Bollywoodka.

Waxaan kaloo ku qancin goaanka ay ka gaartay filiimkeeda koowaad qaabka uu yahay iyo dooqeda meesha ay la tiigsatay.

Balse aniga aabahed ayaan ahay marwalbana waxaan u taaganahay inee hormar gaarto waxwalbona inaa ka dhaadhiciyo ayaan iskudaya oo marwalba waxaan u jooga inaan waaniyo.”

Saif goaankisa iyo Riyada Sara Ali Khan intee isla tagi doonan, waayo xidigtaan waxay dooratay inee atariisho caan ah noqoto balse waxaa midaa kasii daran filimkeeda koowad mesha ay saxiixatay waxaa loo baahna Super Starska waweyn inee filimkeeda koowaad la sameyso waayo magac weyn aye heli laheed iyo waliba filimsameyasha guusha u saaxiibka ah.

dhanka shaqada Sara Ali Khan filimkeeda Kedarnath ee ay la hogaamineyso Sushant Singh Rajput waxaa la daawan doona sanadka dambe haatana duubis ayee ku wadaan filimka.

3 Responses to Saif Ali Khan Kuma Faraxsano Goaanka Gabadhiisa Sara Ali Khan Ku gaartay Inee Ku Galeyso Bollywoodka !!

  1. Maw

    October 12, 2017 at 1:12 pm

    Saif wuu ogyahay Bollywood ka waxa uu yahay hhhhhhhhhh wuxu asiga geystay in gabadhisa laga Kara ayuu ogyahay haday atarisho noqoto hhhhhhhhhhhh saif caqli badana gaal Lee maho filim jilis marka lava tago hosa hoseyda ayaa kabadan

  2. Hoodo Ali

    October 13, 2017 at 10:07 am

    Aabbe wanagsan anigu xitaa sara waxaan kula talin lahaa inaysan Bollywood kusoo Biirin

  3. Pingback: Saif Ali Khan ” Waa Wax Laga Xumaado In Dadka Ay Buunbuuniyaan Hadal Yar Oo Aabo Gabadhiisa Kudhahay!! | Filimside.net