Home » Nolosha Jilaayaasha » Saif Ali Khan muxuu ka yiri gabadhiisa Sara Ali Khan filimkeeda kowaad Kedarnath

Saif Ali Khan muxuu ka yiri gabadhiisa Sara Ali Khan filimkeeda kowaad Kedarnath

Saif Ali Khan in ka badan 25-sano ayuu Bollywood-ka ka tirsan waxaana la gaaray xiligii gabadhiisa Sara Ali Khan fanka Hindiya kusoo biiri laheyd.

Sara Ali Khan haatan waxay wadaa duubista filimkeeda kowaad Kedarnath oo ay la jileyso Sushant Singh Rajput waxaana la daawan doonaa 21 December 2018.

Saif Ali Khan oo aad u qiireesan wuxuu yiri “Sara filimkeeda waxaan uga wal walaa sida filimkeyga oo kale siweyn ayaan u farxi doonaa marka tiyaatarada la saaro kaba sii daran hadii mashruuceeda kowaad uu guuleesto daawadayaashana ay aqbalaan”

Dhinaca kale Saif Ali Khan ayaa saxaafada u sheegay in filimkiisa Kaalakaandi yahay mid xiiso badan lana daawan doono 12 Janaayo 2018 waxaana laga soo bandhigay goos goos xiiso badan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska dhameestiran ee filimka Kaalakaandi laga soo bandhigay:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *