Jilaaga Saif Ali Khan waa mid kamid ah jilayaasha ugu caansan Bollywoodka waxaana u dhaxdo atariishada caanka ah ee Kareena Kapoor asigooma haatan tiyaatarka u saaranyahay filimka guusha taariikhiga gaarayo ee Tanhaji.

Saif Ali Khan ayaa wareysi lala yeeshay ka hadlay sida Bollywoodka ay u sumcad dilaan taariikhda islaamka ee India maadaama India kamid tahay wadamda ugu badan ay muslimiinta ku noolyihiin waxaana ku nool ku dhawaad 200 Million muslimiin ah.

Muslimiintaas sidii uu kusoo gaaray islaamka iyo boqoradii muslimiinta ahaa misna caanka ahaa ee wadankaas soo xukumay markii taariikhdooda filimada Bollywoodka lagu soo bandhigaayo inta badan sidii saxda aheyd loogama run sheego waxaana u sabab ah Hinduuga tirada badan ee wadankaasi ku nool misna talada wadanka haayo kuwaasoo aanan dooneynin in islaamka laga run sheego.

Hadaba jilaaga Saif Ali Khan oo arintaas ka hadlaayay ayaa sheegay in aanan marnaba la ilaalinin sumcada taariikhda islaamka ee Hindiya wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay filimka Tanhaji asigoona sheegay in marnaba ku qancin qaabka loo dhigay sheekada filimka isla markaasna uu toogta dambe digniin ka qaadan dooni.

Filimka Tanhaji ayaa ka hadlaayo dagaal dhex maraayo labo dagaalyahan midna muslim yahay midna Hindu balse Bollywoodka ayaa guusha siiyay ninka Hinduga waana arinta uu ka hadlaayo Saif Ali Khan.

Dhanka kale Super Star Ajay Devgan marnaba kuma faraxsana hadalada uu saxaafada ka sheegay Saif Ali Khan iyo in filimkiisa lid ku yahay walow labada jilaaba filimka si wadajir u jileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here