Saif Ali Khan oo jawaab kulul siiyay wariye weydiiyay hadii uu guulaha naagtiisa ee Kareena Kapoor ka maseersanyahay.

0
1267

Saxaafada mararka qaar warxumi iyo su’aal xumi ay isku darsadaan ayagoo doonayo iney ogaadaan xidig kasta oo wax ka qorayaan waxa maskaxdiisa ku jiro waxayna taasi keentaa in su’aalo doqonimo ah weydiiyaan xidigaha caanka ah.

Dhawaan waxay su’aal weydiiyeen jilaaga Saif Ali Khan kaasoo haatan ku jiro waayo xun kadib markii ay filimadiisa ugu dambeeyay Box Officeka ku burbureen.

Wariye ayaa Saif Ali Khan weydiiyay hadii uu ka maseero guulaha waaweyn oo ay xaaskiisa Kareena Kapoor ku talaabsatay taasoo uu asiga awoodi waayay wuxuuna Saif ku jawaabay sidaan;

“Maya, maya maya, anagu waan ka fognahay inbadan arimahaan oo kale, adiga waad ogtahay in arimaha is badbadalaan marmar kor ayaad u kaceysaa marmarna hoos u ayaad u dhaceysaa waana arimo markasta dhacaan wax hada cusub ma ahan”.

Saif oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “wey dhacdaa in qof qofka kale ka guulo bato saas ay tahayna waqti wacan labada qof isla qaataan, balse aniga waligey qaabkaan nolosha uma qiyaasin xaqiiqduna waxay tahay guusha nolosheyda wax xiriir ah lama lahan Box Officeka”.

Safi ayaa intaas ku daray; “waxay ila tahay inuu jiro cadaadis markii aadan shaqeynin oo aad tahay baagamuudo bilaa camal ah waxaana ula jeedaa qof noocaas hadaan ahaan lahaa waxaan dareemi lahaa cadaadis balse haatan midaas majirto waxaana aniga la noolahay atariisho qurux badan guulo waaweyna gaarin waligeyna ma dareemin inaan iyada tartan kula jiro”

Saif iyo Kareena ayaa is guursadeen 7 sano kahor kadib xiriir jaceyl oo in mudo ahba ka dhaxeeyay waxaana haatan u joogo wiil 2 sano jir ah oo lagu magacaabo Taimur Ali Khan.

Dhanka shaqada Saif Ali Khan waxaa u diyaarsan filimka Tanhaji oo ay la wadaan Ajay Devgan iyo Kajol Devgan asigoona doorka xumaanta ee laadarnimada filimka ku matalaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here