Madaama Saif Ali Khan filimkiisa Jawaani Jaaneman ku jilay aabo gabadhiisa aysan lasoo korin waxaana doorkan mataleyso Alaya F. halka Tabu iyadana mataleyso marwo Saif gabadhaan u dhashay laakiin nolosha xili hore isku fahmi waayeen oo ay kala tageen.

Sidaa darteed shabakada Pinkvilla ayaa Saif weydiisay bur burkii ku yimid guurkiisii ama gurigiisii kowaad xiriirka haatan kala dhaxeeyo xaaskiisii hore Amrita Singh iyo sida ay caruurtiisa Sara iyo Ibraham u arkaan labadooda waalid inay waa hore kala tageen.

Saif wuxuu yiri “Waa waxa ugu xun ee dunida ka dhaco in reerkaaga bur buro, weli waxaan dareemayaa masuuliyada bur burka gurigaas inaan dhinac ka lahaa, waligeeda wax wanaagsan ma noqon doono lamaane caruur isku dhaleen inay nolosha ku kala tagaan. Laakiin waxaa jiraan mararka xaal nabad laga raadiyo oo qasab tahay in isbadal la sameeyo.

“Run ahaantii markii aan guursanaayay waan yaraa waxana ku jiray da’da 20-aad wax badan ayaana is badalay intii aan xaaskeygii kowaad la noolaa, balse hadda kama xumi go’aankii aan ku kala tagnay madaama labadeenaba xal noogu jirtay go’aankaas ugu dambeeyo inaan gaarno.”

“Waan ogahay caruurta inay jecel yihiin labadooda waalid isla noolaadaan, laakiin sidoo kalena caruurta farxad wey ka heli karaan waalidkooda ayagoo aan hal meel ku wada nooleyn, waayo xiligaan casriga ah caruurteyda wey fahmi karaan waxa na kala fogeeyay aniga iyo xaaskeyga hore inkastoo aan xushmad isku heyno.”

“Ma jirto cunug xaq u leh inuu ku bar baaro guri diiran oo muran joogto ah ka jiro, waxaa qasab nagu ah waalid ahaan caruurta inay ku noolaadaan jawi dagan anagana waalid ahaan waxaan u baahanahay nolol nabdoon, sidaa darteed nolosha waa wax qurux badan mana wanaagsano in la isla noolaado ayadoo muran iyo cabasho dhexda looga jiro sidaa darteed mararka qaar in nolosha lagu kala tago xal wanaagsan ayaa ugu jirto waalidka iyo caruurta.”

“Guri dagan oo qurux badan ayay u baahan yihiin caruurta anigana u baahanahay haatana labadaas waan heestaa nolol dagan sidoo kalena caruurteyda wey ku faraxsan yihiin nolosha ay maanta heestaan madaama ay dad waa weyn noqdeen sidoo kalena garan karaan labadooda waalid xaqa ay ku leeyihiin waa intaas nolosha waxa aan in mudo ah ka raadinaayay qof walbo inuu nolol xasiloon ku noolaado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here