Home » Wararka Maanta » Saif Ali Khan oo ka hadlay sababtii uu ku diiday sameynta Race 3 waxaana booskiisa la wareegay Salman Khan

Saif Ali Khan oo ka hadlay sababtii uu ku diiday sameynta Race 3 waxaana booskiisa la wareegay Salman Khan

Saif Ali Khan ayaa ku caan baxay amaana ku helay taxanaha Race asigoo labadiisii qeybood si heer sare ah u jilay balse xidigaan Race 3 laguma soo darin waxaana booskiisii hogaanka filimka la wareegay Mega Star Salman Khan.

Saif oo xayeysiin u sameenaya filimkiisa Jimcadan la daawanayo Kaalakaandi wuxuu yiri “Mudane Ramesh Tuarini (soo saaraha Race 3) wuxuu ii sheegay in taxanihii Race uu ka leexday sheeko cusubna u filimka ku dabaqaayo”

“Wuxuu ii so bandhigay door muhiim ah filimka ku yeesho balse waxaan u sheegay Salman Khan inuu ku haboon yahay sameynta taxanahan”

“Salman Khan waa xidiga ugu weyn dalka, sidaa darteed waxaan dareemay joogitaankeyga Race inaysan muhiim ahayn hadii laga leexday taxanahan sidii uu ku socday labadiisii qeybood ee hore”

“Waxaan go’aansaday inaan isaga baxo mashrucaan, aflaan kalena aan sameeyo waxaana u rajeynaa dhamaan kooxda Race 3 guul wacan iyo nasiib wacan”

Race 3 Salman Khan waxaa la jilayaan Jacqueline Fernandez, Anil Kapoor, Bobby Deol iyo Diasy Shah waxaana la daawan doonaa Eid 2018 oo bartaha sanadkaan ku beegan.

3 Responses to Saif Ali Khan oo ka hadlay sababtii uu ku diiday sameynta Race 3 waxaana booskiisa la wareegay Salman Khan

  1. tiger zinda hai Reply

    January 11, 2018 at 10:26 pm

    mega star salman khan wa actorka kaliya ee bollywood ka ku fanaan wana hubaal inuu guul wacan gaari doono tiger khan kooxta race guuul

  2. Mahad Hassan Reply

    January 12, 2018 at 12:56 am

    Saif Ali Khan Waxaan Ka Dareemay Hadalkiisa Inuu Iska War Qabo Inuu Gadi Karin Xiligaan Taxnaha Race Waxba Yuusan Ku Mar Marsiyoon Sheeko Laga Badalo Filimka Ee Dhabtii Xiligaan Saif Filimkiisa Cid Aamini Karto Malaha Marka Nasiib Wacan ayaan U Rajeena Iyo Inuu Sidiisii Hore Ku Laabto 2010 Wixii Ka Danbeeyey Daadka Aa Qaaday

  3. Tornado Reply

    January 12, 2018 at 8:00 pm

    Taxanahan marba hadii uu Saif kujirin waan ka caajisay ani waayo saif labadii hore ayaanba la dhcay siduu ujilay caadi maaha dabcan gacan ayaan utaagay sallu waa very good balse qofkii hore ayaa kaga haboon kan cusub saan qabo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *