Home » Nolosha Jilaayaasha » Saif Ali Khan Oo Kahadlaayo Sara Oo Bollywoodka Soo Galeyso “Waan Ku Kalsoonahay In Qaab Jiliin Cajiib Ah La Imaan Doonto”

Saif Ali Khan Oo Kahadlaayo Sara Oo Bollywoodka Soo Galeyso “Waan Ku Kalsoonahay In Qaab Jiliin Cajiib Ah La Imaan Doonto”

Saif Ali Khan iyo Amrita Singh gabadha ay dhaleen taaso lagu magacaabo Sara Ali Khan ayaa ugu dambeyn sanadka dambe la imaan doonto filmkeeda koowaad ee ay Bollywoodka kusoo galeysay.

Filmkaan oo lagu magacaabo Kedarnath waxaa Sara la hogaamin doono Sushant Singh Rajput halka uu Director ka yahay Abhishek Kapoor waana film la daawan doono sanadka dambe.

Hadaba Saif Ali Khan oo filmkiisa  KaalaKaandi xayeysiin usoo bandhigayey ayaa saxaafada wareysi ka qaaday xidigaan waxayna wax ka weydiyeen soogalootiga Sara ay soo galeyso Bollywoodka.

Atooraha filmka Omkara ayaa si degen oga jawaabay wuxuuna yiri,” aadbaan ugu faraxsanahay in Sara ay Bollywoodka kusoo biirto waxaana sugi la ahay inta laga daawan doono filmkeeda waxay iila midtahay filmkeyga oo la daawan doona ookale.”

“Waan ku kalsoonahay gabadheyda Sara waan hubaa bandhig cajiib ah oo dadka oodhan ka yaabiyo inee la imaan doonto.”

Waxaan sugnaaba waa Sara iyo kalsoonida aabahed inee kaga rumen doonto iyo inkale waxaana la qorsheyay in la daawado ciida masiixiga sanadka dambe.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *