Jilaaga caanka ah Saif Ali Khan ayaa ka dhawaajiyay inuu baraha bulshada si dhuumaaleysi ah ku isticmaali jiray oo uu ciwaan aan rasmi aheen ama FAKE  ah ku isticmaalayey waxuuna arinkaan shaaca ka qaaday xili uu ka qeyb galaayey barnaamijka Neha Dhupia ee Tv-yada laga daawado.

Saif waxuu sheegay inuu dunida baraha bulshada mudo kooban kujiray balse isaga baxay sabab la xariirtay inuu arkay inee tahay duni aan lagu noolaan karin caafimaad ahaan iyo nolol ahaanba sidaa darteedna uu iska joojiyay waxuu yiri isagoo qodobkaas ka hadlaayo.

“Wax badan ayaa la igu dhahay baraha bulshada isticmaal oo kamid noqo anigana waan diidi jiray maalintii dambe xaaskeyga Kareena ayaan kala tashtay weyna igu dhiiro gelisay kadib ciwaan aan Official aheen ayaan Instagram-ka ka sameeystay bal si aan u tijaabiyo waxa meesha ka dhacaayo hadii aan ka helana si rasmi ah toos ugu soo biiro.”

“Waan la qabsaday baraha bulshada balse waxaan ogaaday inaan sii wadi karin waxaan arkay meesha in xumaan uun ka dhacdo wax walbo iyo fikir walbana dhanka xumaanta laga fiiriyo waxaan is arkay anigoo dabeecadeyda isbedeli rabto waxaan is arkay waqtigeyga oo halkaas iiga lumaayo.”

“Kadib waxaan nafteyda weydiiyay ma sheey aad ka faaideyso ayaa jiro isticmaalka aaladan, maxaase faaido kuugu jirto akhrinta qoraal dadkale ama qorida qoraal fikirkaada kusaleyan oo laguugu mucaaradaayo kadibna waxaan go’aansaday inaan gabi ahaanba iska joojiyo si aan oga dhexbaxo dunidaas qasan.”

“Balse Kareena ayaa ah mid xili walba Online ah waxaadba isleedahay waa Miss Instagram ama Mrs Gram waayo marwalba wey kudhexjirtaa Instagram-ka halkaas ayee dhaq-dhaqaaqyada oodhan kala socotaa anigase waan ka gacan taagtay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here