Jilaaga caanka ah ee door walbo sameyn karo Saif Ali Khan waxaa maanta tiyaatarada loo saaray filimka Laal Kaptaan ee uu door adag ku matalaayo sidoo kalena saxaafada Hindiya waxay fursad u heshay inay arimo kala duwan wax ka weydiiyaan madaama Saif uu yahay shaqsi fur furan oo su’aalaha qaar ee culeeska badan si xeeladeesan kaga jawaabo sida looga bartay.

Haddaba Saif waxaa wax laga weydiiyay inuu ka war haayo xiriirka lagu xanto gabadhiisa oo ah inay jaceyl la wadaago wiilka dhalinta yar Kartik Aaryan oo ay isla soo wadaan filimka Aaj Kal lana daawan doono 14 Feb 2020 waxaana Director ka ah Imtiaz Ali.

Sara ayaa la sheegay inay aad uga hesho Kartik Aaryan sidoo kalena marka ay duubista filimkooda Aaj Kal dhameeyeen waqtiyo kala duwan isla qaateen iyo kulamo casho markii Saif arintan wax laga weydiiyay wuxuu yiri “Gabadheyda Sara marwalbo dadka wanaagsan wey jeceshahay inay soo dhaweesato waxaana u maleenaa Kartik inuu yahay wiil aad u wanaagsan madaama gabadheyda soo dhaweesatay sidaa darteed waxaan u maleynaa inuu yahay qof og Sara waxa ay ka hesho iyo waxa ay dhibsaneyso sida darteed waa qasab Kartik inuu yahay qof wanaagsan madaama gabadheyda dooratay inay saaxiib ka dhigato.”

Dabcan Saif Ali Khan si xeeladeesan oo ka muuqato qiimaha gabadhiisa agtiisa ka leedahay ayuu saxaafada meel isaga saaray mana aysan ka helin jawaabtii ay rabeen oo ahayd inuu ka xanaaqo su’aalaha noocan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here