Xidiga la wada jecel yahay Saif Ali Khan waqti wacan ayuu bartanka kaga jiraa filimkiisa Tanhaji uu laadarka ka yahay Blockbuster weyn noqday sidoo kalena Jimcadan ama 31-da bishan waxaa tiyaatarada loo saaraa filimka Jawaani Jaaneman oo ay ku wehliyaan Alya F iyo Tabu waana filim fariintiisa reer magaalka loogu tala galay oo jaceyl iyo shactiro isku jir ah.

Haddaba Saif Ali Khan oo saxaafada la fal galaayay wuxuu ka dhawaajiyay aqbaartii la wada sugaayay oo ahayd dib u sameynta filimka Tamil-ka ee Blockbuster-ka weyn noqday Vikram Vedha waxaana horey loo sheegay in mashruucan asigoo Hindi ama Bollywood ah Saif iyo Aamir Khan wada sameenayaan.

Saif wuxuu yiri “Haa waa sax filimka Vikram Vedha dib u sameyntiisa waa la ii soo bandhigay weliba aniga iyo Aamir Khan inaan wada sameyno ayaan ku heshiinay balse weli mashruucan ma hana qaadin sidoo kalena weli go’aan lagama gaarin doorka askariga ama doorka gaangester-ka mid aan matali doono laakiin waxaan idiin xaqiinaa in filimkan aniga iyo Aamir aqbalnay dib u sameyntiisa balse weli arimo badan ayaa dhiman.”

Filimka Vikram Vedha ee sida weyn fariintiisa loo amaanay sanadii 2017 ayaa la daawaday doorka xumaanta ama gaangester-ka awooda badan waxaa jilay Vijay Sethupath halka R Madhavan isagana doorka askariga mayalka adag uu matalay waxayna labadan xidig filimkan kusoo bandhigeen bandhig awood badan oo qof walbo ka helay.

Waxaana haatan la sheegay Pushkar Gayatri oo filimkan qaybtiisa Tamil-ka ah sameeyay haatan asigoo Hindi ah inuu sameyn doono waxaana filimkan weyn isla maal galinayaan Y Not Studios iyo Neeraj Pandey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here