Jilaaga caanka ah Saif Ali Khan ayaa suaal dadban hab kaftan ah loo weydiiyay taaso ah in waligiis uu ka hinaasay ama ka maseeray guusha xaaskiisa Bollywoodka ka gaarto had iyo jeer si qaas ah Box-office-ka waxuuna ku jawaabay xidigaan.

“Maya Maya midaas suurtogal ma ahan waligey kama maseerin shaqsi kale guushiisa iskadaa xaaskeyga xitaa shaqsiyaadka aan kala shaqeyay Bollywoodka ha noqdaan kuma fikirin xitaa halmar.”

“Waan ogahay dadaal walbo la imaado ineysan saameeyn wanaagsan ku yeelan karin Box-office-ka balse aniga waxaan aaminsanahay kuna qanacsanahay in dadka shaqadeyda ka helaan midaas ayaana guul ii ah xili hore ayuu calankooda dhacay atoorayaal badan oo Box-office-ka ku fashilmeen halka aniga wali la jaan qaadayo atoorayaashii 90-kii isla shaqo bilaawnay.”

“Aniga waxaan aaminsahay shaqadeyda isku midna ma ahan qof shaqeeyo iyo qof aanan shaqeynin marka kama maseero waxqqabadka Bebo dhanka Bollywood iyo dhanka gurigaba waan u hambalyeya kuna dhiiro galiyaa xili walbana garabkeeda ahay.”

Lamaanahan waxay kujiraan liiska lamaanayaasha Bollywoodka iska dhex doorteen waqti badana wada nool hadana wax khilaaf soo kala dhex galin sababtana waa nolosha oo ay isku fahmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here