Xidiga mudada dheer fanka ku jiro Saif Ali Khan 2020 waa sanad u qaas ah wuxuuna ku daah furtay filimka masraxa u saaran ee Super HIT-ka noqday sidoo kalena Blockbuster u dalaci doono waa Tanhaji oo uu door xumaan ama laadar ku matalaayay markaana Saif ciwaano kale ayuu sameenayaa.

Saif Ali Khan oo 49-jir ah filimkiisa xiga Jawaani Jaaneman wuxuu ku jilaa 40-jir aabo u ah gabadha fanka ku cusub Alaya Furniturewala laakiin waa aabo shaxaari ah oo rabo gabbar inuu la seexdo ama waqti la qaato sidoo kalena filimkan Tabu ayaa door adag ku leh.

Haddaba kaartada ama aragtida ugu dambeesay ee filimkan laga soo bandhigay waa mida sare idin kaga muuqato oo ah Saif oo buumo kaliya wato meel walbana shumis kaga yaalo jirkiisa qolkana qof dumar ah sii gashan rabo halka gabadhiisa Alaya Furniturewala la yaaban tahay aabaheeda. Sidaa darteed waxaa la leeyahay Saif waxa uu sameenayo dhalinta xitaa ma sameyn karaan oo markaan duqa wuu soo dhigtay anagoo wada og gabadhiisa Sara Ali Khan haatan fanka kusoo biirtay meeshii uu gaabsan lahaa waaba dhaarsan yahay!

Filimka Jawaani Jaaneman waxaa la daawan doonaa 31 da bishan Janaayo waxaana Director Nitin Kakkar, haddii aadan horey u daawanin goos gooskiisa fadlan markale hoos ka daawo adigaaba Saif ka yaabi doontid:

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here